Ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo hor leh oo ka socda Itoobiya ee ka mid noqday howl galka AMISOM ayaa shalay gaaray magaalada Guriceel, iyagoo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay.

Ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay Galgaduud

Ciidamadan oo watay taangiyo iyo gaadiidka ciidamada qaada ayaa fariisimo ka sameystay duleedka Guriceel, waxaana ciidamadan la sheegay inay yihiin kuwo aad u fara badan oo dhowaan qorsheynaya inay duulaan ku qaadaan goobaha Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo wata calaamada AMISOM ay kulamo la qaateen saraakiisha maamulka degmada, isla markaana ku wargeliyeen inay dhowaan qaadi doonaan howl galo ballaaran.

Sidoo kale Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah ayaa fariisimo ka sameystay duleedka Xarunta Gobolka Galgaduud ee Dhuusa Mareeb, gaar ahaan deegaano dhinaca bari ka xiga ee aada dhanka degmada Ceelbuur.

Dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay si aad ah looga dareemayay gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana xuduuda ka soo talaabayay ciidamo fara badan.

Tan iyo markii Ciidamada Itoobiya ay si rasmi uga mid noqdeen howl galka AMISOM waxaa la sheegay in culeys uu soo fuulay deegaanada al-Shaaab oo ciidamada Itoobiya qorshahooda yahay inay weeraraan.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Ciidanka dowlada itooyaha iyo

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS