7 entries

Articles Published on March 1, 2014

Dhageyso Warka iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho..
HALKAAN KA DHAGEYSO

Ururka Xisbul Islaam oo dhaleeceeyay Al-shabaab baaqna u diray Dowladda

Xoghayaha arrimaha dibadda ee ururkii xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macalim Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si kulul u eedeeyay Al-shabaab, isagoo dowladda Soomaaliya ka dalbady inay sii dayso S. Xasan Daahir Aweys oo ahaa hoggaamiyihii ururkaas, kuna xiran magaalada Muqdisho.

Wafdi Dowlada Soomaaliya ka socda oo gaaray Baydhabo

Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, iyadoo wasiiradan ay ka soo jeedaa Gobolada uu qorshuhu yahay in maamulo loo sameeyo.

Gargaar loogu talogalay dad ku dhibaateysan Jannaale oo la boobay

Gargaar u socday dad ku dhibaateysan deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa xalay lagu boobay gudaha degmadaas iyadoo la sheegay inay boobeen rag ku labisanaa direyska ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ahlusunna oo si adag u eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Guddoomiyaha guddiga talada ee maamulka Ahlu-sunna Waljamaaca, Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir Aadan ayaa isagoo Muqdisho ku sugan ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inaysan fulin heshiisyadii ay labadooda dhinac horay u gaaree.

Ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo hor leh oo ka socda Itoobiya ee ka mid noqday howl galka AMISOM ayaa shalay gaaray magaalada Guriceel, iyagoo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay.

Warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Dhacdooyinka

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4 Wararka aan didiin heyno waxaa ka mid ah:Xogayihii ururkii Xisbul Islaam oo maanta warbaahinta kula hadlay muqdisho oo si adag u weeraru hogaanka shabaab Dowladana ugu baaqay in lasii daayo Hogaamiyahooda iyo barnaamijka dhacdooyinkii todobaadkii tagay iyo Soomaaliya iyo  warar kale
warka radio sagal iyo barnaamijka dhacdooyinka
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS