156 entries
Articles Published in February, 2014
Muqdisho,
February 6, 2014----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee
Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada
Muqdisho ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland mudane
Cabdiwali Maxamed Cali ( Gaas) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey,
kaasi oo ka qaybgeli doona aaska qaran ee loo samaynayo Ra’iisul
Wasaarihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji
Xuseen oo berri oo jimce ah lagu duugi doono magaalada Muqdisho.
Kulan baroor diiq iyo duco loo sameeyay Ra'iisul Wasaarihii hore ee
Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo todobaadkii hore dalka Mareykanka
ayaa xalay ka dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo
kulanka laga sheegay waxyaabihii uu soo qabtay Ra'iisul Wasaarihii hore
iyo halgankiisa xornimada uu ka soo qaatay Soomaaliya.