156 entries

Articles Published in February, 2014

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Gaas (Sawirro)

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyay Wasiirada cusub ee Maamulka Puntland oo uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas oo sideedii bishii hore ku guuleystay doorashadii ka dhacday Garowe.

Shir looga hadlayo la dagaalanka burcad badeeda & Al Shabaab oo ka socda dalka Jabuuti

Mas’uuliyiin ka kala socda 60 dal ayaa ka qeyb galaya shir looga hadlayo khatarta ururada argagaxisada Gobolka iyo tan Burcad badeeda somaalida waxaana shirkan oo ah kii labaad marti galinaya dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Shir-guddoomiyey kulankii labaad ee guddiga hagista ee hay’adda Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Soomaaliya ee (SDRF)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir-guddomiyey kulankii labaad ee uu yeeshay guddiga haggidda iyo socod-siinta ee Hay’adda Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (SDRF).

Xukuumada Roma oo ka walaacsan tahriibayaasha Somaliyeed ee dalkeeda galaya

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha dalka Talyaaniga Filippo Bubbico ayaa sheegay in dawladiisu walaacda ugu badan ee ay qabto uu yahay qul qulka dadka faraha badan ee qaxootiga ah ee dalkeeda galaya.

Qaramada Midoobey oo ka digeysa abaar mar kale ku dhufata qeybo katirsan dalka Somaliya

Hay’adda cunnadda iyo beeraha u qaabilsan Q,M ee marka magaceeda lasoo gaabsho la yiraahdo FAO ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in dad tiradoodu gaarayso 857,000 ooo ruux oo Soomaaliya ku nool ay u baahanyihiin cunno deg deg ah in la gaarsiiyo haddii kale ay wajahayaan xaalad adag oo bini’aadanimo

Dawlada ugandha oo ciidamo dheeraad ah usoo dirtay Dalka Somaliya

Dawlada Uganda ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya u soo dirtay 1,600 o askari oo dheeraad ah kuwaasoo loogu talo galay in lagu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan.

Prime Minister demands answers from security officials on last night’s explosions

His Excellency Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed today called together and met with senior government, city and security officials to discuss last night’s series of explosions across Mogadishu.

Daawo sawiradda:Ra'iisul Wasaaraha oo ku amray Hey'adaha Amniga inay jawaab cad ka bixiyaan duqeymihii ka dhacay muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa la kulmay hay’addaha ku shaqada leh amniga, sida Wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleediyo ku-xigeenadiisa, Taliyaha ciidanka Boliiska Gen. Saacid, guddoomiyaha gobolka Mudane Tarzan iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka dhamaan degmooyinka gobolka, Taliyayaasha saldhigyada iyo kuwa nabadsugida.

Minneapolis: Marxuum C/risaaq oo janaaso loo sameeyay (SAWIRRO)

Maydka ra’iisul wasaarihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa lagula tukaday salaaddii janaasada masaajidka weyn ee Abuubakar Al-Sadiiq ee magaalada Minneapolis shalay oo Talaado ahayd, waxaana ka qaybgalay jinaasada muslimiin fara badan  badan.

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan Sh/Hoose, iskuna furay jidka Xeebta ee Muqdisho iyo Marka

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, kadib dagaal xalay ka dhacay deegaanada Gendershe iyo Jilib Marka oo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS