Mas'uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo ka bad-baaday qarax gaarigiisa loogu xiray

Mas'uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka bad baaday waxyaabaha qarxa oo gaarigiisa lagu xiray, iyadoo ciidamada booliska iyo kuwa miino baarista ay qarxiyeen waxyaabihii gaarigiisa loogu xiray.

Mas'uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo ka bad-baaday qarax gaarigiisa loogu xiray

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayeen in gaariga uu lahaa mas'uulkaas marka uu soo galo xarunta Gobolka Banaadir inay qarax uga geystaan gudaha Xarunta.

"Howl-wadeen sare oo ka tirsan Waaxda Maaliyada Gobolka Banaadir ayuu ahaa gaari uu watay, miino ayaa loogu xiray balse markii uu arkay ayuu ka degay, waxay doonayeen Al-Shabaab in qarxiyaan gaariga marka uu galo Xarunta Gobolka Banaadir"ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in mas'uulkan lagu magacaabayay Ismaaciil, waxaana uu tilmaamay in markii uu arkay qaraxa ku xirnaa gaadiidkiisa uu ku wargeliyay ciidamada booliska iyo kuwa miino baarista, dabadeedna ay ka fureen, isla markaana qarxiyeen.

Dhinaca kale qarax aan qasaare geysan ayaa saaka barqadii ka dhacay degmada C/casiis, kaasoo ahaa gaari uu lahaa nin qurba joog oo waxyaabaha qarxa loogu xiray, inkastoo aan wax qasaare ka soo gaarin.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada ka dhacayay qaraxyo kala duwan, iyadoo ay soo kordhayeen qaraxyada gaadiidka loogu xiro mas'uuliyiinta dowladda, waxaana todobaadkii hore ay aheyd markii Gudoomiye kuxigeenkii Amniga Gobolka Shabeelaha Hoose qarax loogu xiray gaadiidkiisa uu ka soo gaaray dhaawac culus oo mid ka mid ah lugihiisa uu ku waayay.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  banaadir gobalka

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS