Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeya Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay dalka Jamhuuriyadda Ethiopia, halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxda dalkaasi.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeya Dalka Jabuuti

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin Wasiirarada Arrimaha dibedda, Warfaafinta, Duulista hawada iyo xubno kale ayaa inta ay kusuganyihiin dalkaasi waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda ugu sareysa dalka Jabuuti oo ay kala hadlayaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo kan walaaltinimo ee labada dal ka dhexeysa.

Wafdiga R/wasaaraha oo booqasho sadax cisho qaadatay ku joogay dalka Ethiopia ayaa halkaasi kulamo kula yeeshay mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay isla meel dhigeen xoojinta cilaaqaadka saaxiibtimo ee labada dal,. Iyadoo halkaasi lagu kala saxiixday heshiisyo ku qotomo wax wada qabsi iyo ka wada shaqeynta amniga gobolka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  jabuuti

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS