Madaxweyne Xasan “Howl walbo oo Somalida heyso hakad ka geliso si Al Shabaab loo ciribtiro

Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada muqdisho ayaa waxa uu ka warbixiyey safar uu ku tagey waddanka Turkiga.

Madaxweyne Xasan “Howl walbo oo Somalida heyso hakad ka geliso si Al Shabaab loo ciribtiro

Waxa uu sheegay madaxweynaha in safarka uu ku tagey dalka Turkiga uu ahaa mid khaas ah kulamo gaar ahna lasoo qaatay madaxda turkiga iyo ardayda Somaliyeed ee dalkaasi wax ka barata qaarkood.

IMG_3909

Mudane Xasan Shiikh waxa uu sheegay in Al Shabaab hadda ay wajahayaan xaalad Adag dawladana ay ka go’an tahay ciribtirkooda shacabka Somaliyeedna ka dalbaday inay ku taageeraan ciidamada dawlada iyo AMISOM la dagaalanka Al Shabaab.

Waxa uu madaxweyne Xasan Shiikh ka codsaday Shacabka Somaliyeed iyo siyaasiyiintaba ay hakad geliyaan howlaha siyaasadeed si loogu soo jeesto la dagaalanka  Al Shabaab si nabad dadka ay ugu sameystaan maamulo gobollada ah,lagana faaiideysto buu yiri ciidamada AMISOM ee hadda jooga.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  madaxweynaha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS