Madaxtooyada Somaliya oo si kulul ubeenisay warbixinta Monitoring Group soo saartay

Afhayeenka madaxweynaha Dalka Injineer C/raxmaan Cumar Yariisoow ayaa waxa uu ka hadlay eedeyntii dhawaan usoo jeedisey Kooxda Monitoring Group isagoo sheegay in warbixintaasi ay ahayd mid been abuur ah.

Madaxtooyada Somaliya oo si kulul ubeenisay warbixinta Monitoring Group soo saartay

Mudane C/raxmaan yariisoow ayaa waxa uu sheegay inay hada  sabab ku kalifeysa in hub Al Shabaab siiyaan aysan hadda jirin sida uu hadalka udhigay kuna sheegay warbixinta kooxda monitoring mid iyadu is khilaafeysa.

Injineer Yariisoow oo wareysi siiyey Idaacada BBC-da laanteeda Afka Somaliga ayaa waxa uu tibaaxay inaysan jirin keydka Hubka Somaliya in Al Shabaab looga bixiyey hub kadibka lasiiyey,hadii ay cadaatana falkaasi uu yahay mid dambi ah.

Dhawaan warbixin hordhac ah oo Kooxda dabagalka uqaabilsan cunuqabateynta Q.M hubka saaran Somaliya iyo Ereteria ayaa waxay ku eedeysay Xubno la taliyeyaal madaxweynaha Somaliya inay hub ugacan geliyeen Xarakada Al Shabaab walaw ay dawlada dafirtay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  dowlada

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS