Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Oo Qaabilay Mas’uuliyiin Waxbarashada U Qaabilsan Turkiga

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya iyo ku-xigeenkiisa ayaa manta kulan mgaalada Muqdisho kula qaatay, mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha Turkiga u qaabilsan horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka ee ka howlgalla gudaha dalka.

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Oo Qaabilay Mas’uuliyiin Waxbarashada U Qaabilsan Turkiga

Mudane Ducaale Aadan Maxamed Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta kala hadlay sidii loo horumarin lahaa aqoonta ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Turkiga, isagoo warbixin ku saabsan xaaladda ardayda ka dhageystay mas’uuliyiintii ay la kulmeen, waxaana uu kala hadlay maareynta deeqaha waxbarasho ee ay dowladda Turkiga ugu talagashay ardayda Soomaaliyeed.

Urhan Ordogan oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’ada Kimse Yok Mu oo dowladda Turkiga u qaabilsan dhanka Waxbarashada iyo caafimaadka ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen mas’uuliyiinta Wasaarada ay isla meel dhigeen horumarinta waxbarashada, isagoo intaa ku daray in ay sii wadayaan kaalmada ay siinayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadd Soomaaliya Mudane Ducaale Aadan Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka kulanka kaddib aya sheegay in aan la iloobi doonin kaalmooyinka ay dowladd Turkiga u fidisaday Shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in kulankooda ay uga hadleen arrimo badan oo ku saabsan dhanka waxbarashada.

Wasiirka ayaa xusay in sanadkan gudahiisa ay heshiis la saxiixan doonaan dowladda Turkiga, kaasi oo ku saabsan maareynta deeqaha waxbarasho ee laga helo dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, si aysan u dhicin musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Kulanka ayaa ku soo beegmaya, iyada oo dalka Turkiga ay kusuganyihiin arday Soomaaliyeed oo helay deeqo waxbarasho.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  tacliinta

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS