Turkey oo sii wadaya taageerada Soomaaliya

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkey ayaa sheegtay in ay dowladdoodu sii wadi doonto taageerada ay ka gaysanayso dedaallada xalka loogu raadinayo dhibaatada Soomaaliya.

Turkey oo sii wadaya taageerada Soomaaliya

Wasaaradda oo war qoraal ah soo saartay Jimcihii ayaa sheegtay in ay gacan ka gaysanayso dedaallada caalamiga ah ee ku wajahan xasilinta Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa dhinaca kale lagu sheegay in ay dowladda Turkiga cambaaraynayso qaraxii Khamiistii ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa xustay in guud ahaan gobollada ay waajib ku tahay la-dagaallanka argagixisada, iyadoo ku talisay in la xiro dadka mas’uulka ka ah weerarradaas oo kale.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  turkiga

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS