Raysul wasaareyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulmay

Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay dhiggiisa Ethiopia, Hailemariam Desalegn, waxayna ka wada-hadleen arrimo badan oo khuseeya labada dalka.

Raysul wasaareyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulmay

Waxay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashi hor leh oo ay ka sameeyaan dhinacyada ammaanka, ganacsiga, warbaahinta, duulista hawada iyo ka qeyb qaadashada horumarinta iyo tayaynta hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo xasilinta Soomaaliya iyo la-dagaallanka argagixisada oo ay sheegeen in ay khatar ku tahay amniga gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in la xoojinayo dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo xoreeyo deegaannada weli ku jira gacanta kooxda.

Hailemariam Desalegn ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay mar kasta Soomaaliya la garab taagan tahay taageero dhan walba ah, isagoo rajo ka muujiyay in dowladda Soomaaliya ay ku guulaysan doonto qorsheyaasheeda.

Xigasho:Bar-kulan

Section  Somali
Category   Local News
Tag  addis

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS