10 entries

Articles Published on February 13, 2014

Maamulka Gobolka Banaadir oo ku tilmaamay madaafiicdi xalay inay ahaayeen kuwo dheemish ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay madaafiicdii xalay ka dhacayay magaalada Muqdisho, kaasoo qal qal badan ku abuuray shacabka ku nool degmooyinka, iyadoo ilaa iyo hada aan la soo sheegin wax qasaare ah oo ay geysatay.

RW ITOOBIYA: "Al-shabaab meel walba waan kula Dagaalamaynaa"

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka hadlay ciidamada Itoobiya ee ku biiray AMISOM markii ugu horreysay, isagoo sheegay in sababtu ay tahay sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dagaalka Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay wararkii been abuurka ahaa ee shalay ay warbaahinta qortay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay warar suuqa la soo geliyay oo sheegayay inuu geeriyooday, isagoo ku eedeeyay kooxo cadaw ah inay wararkan faafiyeen, kuwaasoo doonaya inay qal qal geliyaan dalka iyo siyaasadiisa.

DEG DEG: Weerar is qarxin oo lala eegtay gaari UN-ka leeyahay oo marayay agagaarka Air Porka Muqdisho

Qarax xoogan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Ciidammo Itoobiyaan ah oo xalay Gaaray Magaalada Dhuuso-mareeb

Cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa xalay gaaray degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud, iyagoo noqonaya ciidamadii labaad oo deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud gaara 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Madaxtooyada Somalia oo lagu eedeeyay in ay Hub siisay Xariirna la leedahay Sargaal sare oo katirsan Shabaab !

Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixin dheer oo ka kooban 14 bog kagana hadleen arrimaha hubka Soomaaliya ayaa waxaa dawlada ku eedeeyeen inay is dabamarin ku samayso hubka ay hesho.

Faah faahin ka soo baxeysa weerarka is qarxinta ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Faah faahin kooban ayaa ka soo baxeysa weerar is qarxin ah oo lala eegtay Baabuur Qaramada Midoobey leedahay oo marayay meel ku dhow ilinka hore ee laga garo garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo qaraxan uu saameyn ku yeeshay habsami u socodkii howlaha garoonka.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxii Muqdisho

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax gaari oo maanta ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Argagaxiso ee maanta {War saxaafadeed}

Muqdisho- 13-02-2014 Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa weerarkii Argagaxiso ee maanta ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kaasoo qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu kasoo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa goobo ganacsi iyo kuwo wadada isticmaalayay.

Daawo Sawirada: Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Agagaarka Garoonka Aadan Cadde

Faah Faahino Dheeraad ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo maanta duhurkii ka dhacay meel wax yar u jirta iridka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Mgaaalada Muqdisho .
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS