7 entries

Articles Published on February 8, 2014

KENYATTA: " yeeli mayno in goobaha cibaadada wax lagu marin habaabiyo"

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya aysan marna oggolaan doonin in masjidyada iyo goobaha kale ee cibaadada loo adeegsado in dhallinyarada lagu marin habaabiyo.

Dowladda Maraykanka oo muwaadiniinteeda uga digtay Soomaaliya

 Dowladda Maraykanka ayaa digniin usoo jeedisey muwaadiniinteeda ku sugan dalka Soomaaliya iyo weliba kuwa xilligan doonaya inay usoo safraan.

Iska hor imaad xoogan oo xalay ka dhacay degmada Huriwaa

Iska hor imaad xoogan oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda, AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay Xaafada SOS ee degmada Huriwaa, iyadoo iska hor imaadka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Adeegii Mobile Internet ee Shirkadaha Isgaarsiinta oo maalintii 3aad hawada ka maqan

Adeegii Mobile Internet-ka ee shirkadaha Isgaarsiinta ayaa maalintii saddexaad hawada ka maqan, iyadoo Khamiistii la soo dhaafay ay aheyd markii Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo bixineysay adeegaas ay jartay.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho..
Halkaan ka dhageyso

Daawo Sawirada :Ciidamo katirsanaa Milatariga oo gabi ahaan xiray iridka laga galo Xarunta Madaxtooyada Somalia

Ciidamo tiro badan oo katirsanaa Milatariga Soomaaliya dhawaana laga eryay shaqadii ay ka hayeen Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa xiligan dibad bax waxa ay ka dhigayaan afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo beenisay wararka sheegaya inay xireyso Adeega EVC Plus

Iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay buux dhaafiyeen xarumaha shirkada Isgaarsiinta Hormuud ee Muqdisho iyo gobolada dadweyne fara badan oo doonayay in lacagahooda kala baxaan Taleefanadooda, kadib markii suuqa la soo geliyay warar sheegaya in la xirayo Adeega EVC Plus ayaa war ka soo baxay Shirkadu ku beenisay in la xirayo adeegaas.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS