Danjiraha Mareykanka u fadhisa Jabuuti Geeta Pasi oo hogaaminasa wafdiga Mareykanka uga qeyb galaya shirkaasi ayaa qirtay in wadamada Africa ay dhibaato xoog leh ku qabaan burcad badeeda iyo kooxaha xiriirka laleh Al-qaacida oo Al-Shabaab ay kamid tahay.
Dowladda Yemen oo dagaal adag kula jirta Al-Qaacida ayaa martigalisay wajiga Koowaad ee shirkan Bishii April 2013 waxaana lagu wadaa in maalinta beri ah lasoo afmeero kulanaaksi lagana soo saaro talooyin dalalka Gobolka ay uga gudbayaan Caqabadaha dhinaca Amaanka ee ka imaanaya Al-Shabaab iyo Al-Qaacida iyo Burcad badeeda Somaalida.
Comments