Qaban Qaabada Aaska Qaran Ee Loo Sameynayo R/wasaarihii Hore Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen Oo Meel Wanaagsan Mareysa
Guddiga heerka Qaran ee loo xilsaaray aaska Qaran ee loo sameeynayo Allaha u naxariistee R/lwasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso qabanqaabada aaskaasi loo sameenayo R/wasaarihii hore ee Soomaaliaya.
Ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ridwaan Xersi Maxamed guddoomiyena u ah gudiga qaban qaabada aaska Qaran ee loo sameyn doono Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, ayaa isaga oo wareysi siinayey Radio Muqdisho, waxa uu sheegay iney si habsami leh u socto qaban qaabada aaska, isagoo intaa ku daray in waqtiga la keeni doono magaalada Muqdisho meydka marxuumka ay ku xiran tahay duulimaadyada waddanka Mareykanka .
Dhanka kale waxa uu xusay wasiirka Diinta iyo Awqaafta in wasaaradaha qaar laga dhigay guddiyo si gaar ah uga shaqeeysa maamuuska aaska Qaran ee Ra’iisul wasaariheenii hore Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aas qaran u sameyndeysa Allaha u naxariistee R/wasaarihii hore ee Soomaalida C/risaaq Xaaji Xuseen, waxaana howsha qaban qaabada aaska ku howllan guddi heer qaran ah oo uu magacaabay R/wasaare Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Xigasho:Radiomuqdisho
Comments