Iska hor imaad ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ku dhex maray duleedka degmada Balcad

Iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada Maamulka degmada Balcad iyo dadka deegaanka ayaa saakay ka dhacay Tuulo qiyaastii 20-KM dhinaca bari ka xigta oo lagu magacaabo Yaaqle, iyadoo dagaalkan uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Iska hor imaad ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ku dhex maray duleedka degmada Balcad

Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaadkan oo ay qaadeen ciidamo uu horkacayay Gudoomiyaha degmada Balcad Cusmaan Xaadoole ayaa yimid kadib markii Maxkamada degmada Balcad ay reer kale u xukmisay beer la isku hayay.

Beertan ku taal Tuulada Yaaqle oo ay laheyd Khadiijo Xalane ayay Maxkamada u xukmisay reerkaas, iyadoo ku amartay dadkii kale ee beertan tacbanayay inay ka baxaan, hase yeeshee ku gacan seyray go'aanka Maxkamada ay gaartay.

Wararka ayaa sheegaya in go'aanka Maxkamada ay ka hor yimaadaan dadkii deegaanka Yaaq degenaa, kuwaasoo beerta ay ugu taalay dalagyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Liinta, waxaana go'aakaas ay ka hor yimaadeen uu sababay in Maamulka degmada uu Tallaabo qaado.

Ciidamada degmada Balcad ayaa la sheegay inay doonayaan inay xoog uga saaraan dadkii degenaa Beerta, hase ahaatee laga hor-yimid, kadibna uu dhacay iska hor imaad la isu adeegsaday hubka fudud.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay inuu labo jeer dhacay, iyadoo inta la og yahay labo ruux ay ku dhinteen saddex kalena ay ku dhaawacmeen sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dadka ku dhaqan degmada Balcad ayaa mudooyinkii u dambeeyay ka cabanayay cadaalad daro uu sameynayay maamulka degmada, iyadoo uu ku soo badanayay degmada muranada xaga dhulka ee isugu jira beeraha iyo guryaha la kala heysto, waxaana maxkamada degmada ay mashquul ku aheyd qaadista dacwadaha la xiriira dhulalka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Balcad

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS