Kulan Looga Hadlayay Ammaanka Ganacsatada Soomaaliyeed Oo Xalay Lagu Qabtay Dalka South Africa

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Cepetown ayaa xalay yeeshay kulan looga hadlayay amaanka xaafadda ay ka deganyihiin Cepetown kadib markii ay la soo derista xaaladdo amnidarro ah.

Kulan Looga Hadlayay Ammaanka Ganacsatada Soomaaliyeed Oo Xalay Lagu Qabtay Dalka South Africa

Kulankan oo ay ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Ceptown islamarkaana ay soo qaban qaabiyeen guddiga ganacsatada ayaa waxaa looga hadlayay amaanka xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Belbel oo maalmihii ugu dambeeyay sii xumaanayay.

Dadkii ka hadlay kulankaasi ayaa soo bandhigay afkaar iyo talooyin ku qotonta sidii wax looga qaban lahaa kooxaha dhibaatada ku haya goobahooda ganacsiga iyo sidii xiriir adag loola sameyn lahaa laamaha ammaanka sida uu kusoo waramay wariyaheena C/llaahi Qorshe.

Falanqeyn dheer kadib ayaa waxaa kulankaasi laga soo saaray qodobbo muhiim ah,  iyadoo la magacaabay  guddi ka kooban 19 xubnood oo fuliya qodobada ka soo baxay kulankaasi.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli uu soo xumaanayay amaanka xaafadda Belbel oo ah xudunta ganacsiga Soomaalida ku nool magaalada Ceptown waxaana looga fadhiyaa guddigan la magacaabay inuu wax ka qabto amnidarrida ku soo korortay xaafaddaasi.

Xigasho:Radiomuqdisho

Section  Somali
Category   Local News
Tags  africa koofur

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS