Daawo Sawirada Banaan bixii degmada Baraawe oo lagu gubay Calamada Mareykanka iyo Israa'iil

Banaan bax ballaara oo shalay ka dhacay degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa looga soo horjeeday ku biiritaankii Ciidamada Itoobiya ee howl galka AMISOM, iyadoo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay khudbado ka jeediyeen.

Daawo Sawirada Banaan bixii degmada Baraawe oo lagu gubay Calamada Mareykanka iyo Israa'iil

Banaan baxan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal ruux, waxaana intii uu socday banaan baxa la xanibay dhaq dhaqaaqa guud ee magaalada, sida ganacsiga iyo isu socodka, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Calamada Mareykanka, Israa'iil, Itoobiya, Uganda iyo Kenya ayaa lagu gubay fagaare ku yaal degmada Baraawe, halkaaasoo ay isugu soo uruureen dad fara badan, kuwaasoo watay boorar ku qornaa halku dhigyo kala duwan oo ka dhan ah Itoobiya.

Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdala ayaa sheegay in Soomaaliya Gobol gobol loo qeybsaday, isagoo sharaxay ujeedka ka dambeeyay in Itoobiya ugu biirtay Soomaaliya inay tahay in xalaaleysato dhulka Soomaaliya.

"Soomaaliya Gobol gobol ayaa loo qeybsaday, Itoobiya waxay qabsatay, Gedo, Bay iyo Bakool, Uganda iyo Brundi waxay qabsadeen Shabeelooyinka iyo Banaadir, Kenya waxay qabsatay Jubooyinka, Puntland iyo Somaliland horayaa loo qeybsaday"ayuu yiri Abuu Cabdala.

Waxaa uu ku eedeeyay mas'uuliyiinta dowladda inay yihiin dad cumulo ah, oo aanay saf hore iyo saf dambe kala sooceyn, isagoo tusaale u soo qaatay xilligii hogaamiye kooxeedyada in la diidanaa in ciidamo safka hore la soo geliyo.

"Itoobiya oo ah cadawga Soomaaliya, shaatiga ayaa loo bedelay shaar Qaramada Midoobey loo soo geliyay, dalkii ayaa loo xalaaleeyay, maanta waxaa taaganahay xiligii gobonimo doonka inaan u dagaalano"ayuu yiri Abuu Cabdala.
















Section  Somali
Category   Local News
Tag  Baraawe

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS