6 entries

Articles Published on January 26, 2014

Madaxweyne Xasan oo sheegay in dowladdiisu ay hub soo iibsanayso

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay markii ugu horreysay tan iyo markii golaha amniga ee Qaramada Midoobay ay cunnoqabateynta hubka ka qaadday Soomaaliya sannadkii hore inay hub kasoo iibsanayaan dalal aanu carrabaabin.

Kumannaan Qoysas Ah Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Tuulooyinkii Ay Hore Uga Barakaceen Oo Dhaca Bariga Jowhar

Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Kumannaan qoysas ah oo colaado uga barakacay deegaannadoodii maanta dib ugu celiyay tuulooyinkii ay hore uga carareen.

Feysal C. Waraabe "Xasan Sheekh hadaa Khaatumo aqoonsatay, anaga Marka ayaa aqoonsaneynaa"

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga jawaabay hadalo ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa in hadii dadka reer Khaatumo tashteen, maamulna sameystaan ay aqoonsanayaan.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah Ee Britain Oo Kulan La Qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Ku Nool Dalkaasi

Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowlada Britain ayaa kulamo la qaadatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriska ayagoo ka wada hadlay dowrka dowladda Ingiriiska ay ku leedahay taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo horumarinta adeegyada dhanka xawaaladaha ah oo muddo bilo ka hor uu xanibay bangiga Baclays.

Wasiiradii u horeeyay Xukuumada C/wali Sheekh oo xilalka Wasaaradahooda la wareegay (Sawirro)

Munaasabad ballaaran oo xilka uu ku wareejinayay Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada iyo qorshaynta Maxamuud Xasan Suleymaan (Cawil) ayaa xalay lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabada ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed, Wasiirada xilka la wareegayay Xuseen Cabdi Xalane, iyo Siciid C/laahi Maxamed, Wasiiru dowlaha Maaliyada C/laahi Maxamed Nuur, Wasiir ku xigeeno, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Dhageyso warka Axadnimo ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho
HALKAAN KA DHAGEYSO
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS