Al-Shabaab oo ka dhaqan-gelisay mamnuucista internet-ka qeybo ka tirsan Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay fiidkii deegaanno qaar ah oo ka tirsan gobolka laga jaray adeegga Internet-ka ee ay bixin jireen shirkadaha isgaarsiinta, gaar ahaan shirkadda Hormuud.

Al-Shabaab oo ka dhaqan-gelisay mamnuucista internet-ka qeybo ka tirsan Hiiraan

Qaar ka mid ah shacabka ku nool degmooyinka Buulo-burte, Halgan, Maxaas, Jalalaqsi iyo degmooyin kale oo ka tirsan deegaannada gobolka Hiiraan ay kaga sugan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa Bar-kulan u sheegay in xalay fiidkii laga jaray khadadkii Internet-ka. 

Waxa ay sheegeen in adeegga Internet-ka ee ay bixin jireen shirkadaha Isgaarsiinta ay ku qabeen faa’iidooyin ay ka mid yihiin xiriirka eheladooda jooga meelo ka fog waddanka. 

Mas’uuliyiinta shirkadda Hormuud ee degmada Buula-Burde oo aan la xiriirnay ayaa quus ka muujiyay wada xaajood ku aaddan in dib loogu furo khadka Internet-ka ee ay bixin jirtay shirkadda inta ay kooxda Shabaab ku sugan tahay gobolka. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaan soo saaray amar ku aaddan in shirkadaha isgaarsiinta ay joojiyaan adeegyada Internet-ka ee ay bixiyaan.

XigashoBar-kulan

Section  Somali
Category   Local News
Tag  hiiraan

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS