8 entries

Articles Published on January 22, 2014

Al-Shabaab oo ka dhaqan-gelisay mamnuucista internet-ka qeybo ka tirsan Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay fiidkii deegaanno qaar ah oo ka tirsan gobolka laga jaray adeegga Internet-ka ee ay bixin jireen shirkadaha isgaarsiinta, gaar ahaan shirkadda Hormuud.

Baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xukuumadda cusub (SAWIRO)

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay dhawaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo ay ogolaadeen inta badan xildhibaanadii kulanka ku sugnaa.

Golaha Wasiirada cusub oo maanta la dhaarinayo iyo kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka oo la soo xirayo

Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya ee shalay uu Baarlamaanka ansixiyay ayaa maanta lagu wadaa in lagu dhaariyo xarunta golaha shacabka, iyadoo kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka la soo xirayo.

Hey’adda Qaxootiga Qaranka Oo Ku Baaqday In La Gargaaro Dadka Soomaaliyeed Oo Laga Soo Tarxiilo Sucuudiga

Hey’ada qaxootiga Qaranka ayaa ku baaqday in la gargaaro dadka Soomaaliyeed ee laga soo tarxiilayo dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Madaxweyne Xasan oo ugu baaqay xukuumadda cusub xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda ay Al-Shabaab ka xorrayso goobaha ay kaga sugan tahay dalka. 

Madaxweynaha oo ka hadlay wadahadalka ay la leeyihiin Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo weliba shirkadaha ammaanka ka shaqeeya ee ku sugan Muqdisho.

Ciidamada Itoobiya ee jooga Somalia oo maanta dharkoodii hore iska badalay si rasmi ahna ugu biiray Howlgalka AMISOM

Munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu shaaciyey in Ciidamada Itoobiya ooh ore ugu sugnaa Soomaaliya ay kamid noqdeen Howlgalka AMISOM iyagoo qeyb ka noqonaaya howlgalka nabad ilaalinta.

Xildhibaan Cabdi Raxmaan Xoosh Jibriil oo shaaciyay in Dalka uu leeyahay Labo Madaxweyne ku xigeen

Xildhibaan Cabdi Raxmaan Xoosh oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliilay Siyaasada Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha uu ku eedeeyay in uu fara galin ku sameeyay Xukuumada dhawaan lasoo dhisay.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS