Wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo maalintii 3aad galay

Wada hadaladii u dhaxeeyay ergooyinkii ka kala socotay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa galay maalinkii saddexaad, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen is faham iyo isu soo dhowaan muhiim ah.

Wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo maalintii 3aad galay

Ergada labada dhinac ka kala socota ayaa sameeyay gudiyo farsamo oo ka doodaya qodobada muhiimka ah ee labada dhinac horyaala ee ku qorama midnimada Umadda Soomaaliyeed, iyadoo maalinta berri lagu wado in la soo gaba gabeeyo shirka, lagana soo saaro war murtiyeed labada dhinac ay ku heshiiyeen.

Wada hadaladii labadii maalmood uga socday magaalada Istanbul wafuuda dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa ahaa mid dowladda Turkiga fududeyeysay, inkastoo labada dhinac ee Soomaalida ay si toos ah u wada hadlayeen.

Qodobada maanta looga hadlayo wada hadalada ayaa waxaa ka mid ah dib u eegis lagu sameynayo heshiisyadii dhex maray labada dhinac ee wareegyadii u dambeeyay ee wada hadalada ka kala dhacay Turkiga, Dubai iyo London.

Madaxa wafdiga dowladda Soomaaliya ee ka qeyb galaya wada hadalada C/kariin Xuseen Guuleed oo ah wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in markii wada hadalada ay furmeen ay u saareen guddi labada dhinac ah, kaasoo ka soo shaqeynaya ajando ka kooban labo qodob.

"Gudiyada labada dhianc waxay ka soo shaqeeyeen ajande ka kooban labo qodob oo kala ah heshiisyadii hore loo gaaray in la qiimeeyo wixii fulay iyo wixii aan fulin, iyo qodobka labaad oo ah in wadahadalada loo sameeyo Road Map waqtiyada soo socda"ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.

C/kariin Guuleed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wada hadalada ay ka soo bixi doonaan natiijooyin wax tar u leh dalka iyo daka Soomaaliyeed.

Wafdiga Somaliland u matalaya wada hadalada ayaa sheegay in wixii wada hadal iyo is faham ay soo dhoweynayaan, hase ahaatee aysan wax gor gortan galeyn gooni isu taaga Somaliland oo ah go'aan shacab sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Wada hadaladan oo ah wareegii saddexaad oo ay labada dhinac isugu yimaadaan dalka Turkiga ayaa la filayaa in maalinta berri la soo gaba gabeeyo.


Section  Somali
Category   Local News
Tags  hadalada ka socda turkiga wada

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS