Magacyada Ajaanib Ku Geeriyootay Duqeyn Dhawaan Ka Dhacday Gobolka Gedo Oo La Soo Bandhigay

Dowladda Kenya ayaa soo dhandhigtay magacyada horjoogayaal ajaanib ah oo ku geeriyoodey duqeyntii diyaaradaheeda ay dhowaan ka fuliyeen deegaanno katirsan Gobolka Gedo.

Magacyada Ajaanib Ku Geeriyootay Duqeyn Dhawaan Ka Dhacday Gobolka Gedo Oo La Soo Bandhigay

Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya soo xiganaya saraakiil ka tirsan dowladda ayaa soo bandhigay liiska hojoogayaal ka tirsan kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacidda kaddib weerar dhawaan ay diyaaradaha dagaalka ee Kenya ka geysteen deegaanka birta dheer ee gobolka Gedo ka tirsan.

Weerarka ayaa la xusay inay kudhinteen 30 ka tirsan horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al shabaab, waxaana uu wargeysku soo qoray magacyada shan ka mid ah horjoogayaasha ajaanibta ah ee weearkaasi ku geeriyooday.

Magacyada horjoogayaasha ayaa lagu kala sheegay

  1. Imran Abu Jilali oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Pakistan
  2. Shabdalla Al Manzur oo ka soo jeeda Waddanka Masar
  3. Alakim Nurala oo ka soo jeeda dalka Suudaan
  4. Abdul Hakim Maxamed oo ka mid ah hogaamiyeyaasha ee waddanka Yemen iyo
  5. Shukri Bin Khalifa oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Yemen.

Saraakiisha Kenya waxaa kaloo ay sheegeen in daqiiqado kahor inta aysan dhicin duqeynta uu goobta ka baxsaday horjooge Axmed Gode, iyadoo intaa ku daray in ay il gaar ah ku eegayaan horjoogayaasha Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah deegaannada ay kooxdaasi ku harsanyihiin.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  shabaab

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS