Maamulka G/Hiiraan Oo Muwaafaqo Dhex Dhigay Beelo Ku Dagaalamay Deegaanno Ka Tirsan Gobolkaasi

Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa ku guuleystay in ay heshiis kala dhex dhigaan Laba maleeshiyo beelood oo dhawaan ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

Maamulka G/Hiiraan Oo Muwaafaqo Dhex Dhigay Beelo Ku Dagaalamay Deegaanno Ka Tirsan Gobolkaasi

Wafdi uu hoggaaminayo gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanjo ayna ka mid yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM oo shalay gaaray deegaannada Deefoow iyo Kabxanley ayaa ku guuleystay iney muwaafaqo dhex dhigaan soona afjaraan colaad u dhaxeeysay beelo wada dega halkaasi.

Odayaasha iyo waxgarad ka tirsan labada dhinac ayaa Radio Muqdisho u sheegay iney si shuruud la la’aan ah u qaateen nabadda kadib kulan ay la qaateen wafdiga uu hoggaaminayo gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa ku boorriyay labada dhinac iney qaataan nabadda una hoggaansamaan awaamiirta dowladda, isagoo ka hadlay qiimaha ay nabaddu u leedahay iyo sida maamulkiisu midnaanta u siinayo.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladdu ku dhameyneyso khilaafaadka yar yare u dhaxeya beelaha Soomaaliyeed kuwaas oo mararka qaar sababa gacan ka hadal.

Xigasho:Radiomuqdisho

Section  Somali
Category   Local News
Tag  hiiraan

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS