FBI-da Mareykanka oo sheegtay inay geeriyoodeen dhamaan kooxihii weeraray Westgate

FBI-da Mareykanka ayaa sheegay inay geeriyoodeen dhamaan kooxihii weeraray xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi, kaasoo ay ku dhinteen 67-ruux weerar lagu qaaday 21-kii bishii September ee sanadkii hore.

FBI-da Mareykanka oo sheegtay inay geeriyoodeen dhamaan kooxihii weeraray Westgate

Warbixin ay soo saartay FBI oo ka mid ahaa hey'adihii baaritaanka ku sameynayay Xarunta Ganacsiga ee Wetsgate ayaa sheegay inay dhinteen kooxihii weeraray xaruntaas, isla markaana aanay jirin cid baxsaday.

Dennis Brady oo ka mid ah FBI-da Mareykanka ayaa sheegay inay aaminsan yihii inay geeriyoodeen afartii ruux ee weeraray rugtaas ganacsi.

Waxaa uu sheegay in cadeymaha ay hayaan uu xaqiijinayo in aanay jirin wararka sheegaya in ragii weeraray rugtaas ganacsi ay baxsadeen.

Warkan ka soo baxay FBI ayaa waxaa uu ka hor imaanaya war horay uga soo baxay Booliska magaalada New York oo sheegayay inay baxsadeen kooxihii weeraray dhismaha Westgate.

Kaamirada qarsoon ee CCTV ayaa horay u soo bandhigtay afar ruux oo ahaa kuwii weerarka geystay, iyadoo uu ka mid ahaa raggaas wiil Soomaali Norway ah oo la xaqiijiyay inuu ahaa kooxihii weerarka ka dambeeyay.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu soo dhamaaday howl galkii Westgate ayaa waxaa dhismaha xaruntaas ka socday baaritaano adag oo ay wadeen hey'ado sirdoono ka socday reer Galbeedka oo Kenya ka caawinayay baaritaanka kooxihii weerarka geystay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  FBI

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS