Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo howl galo ka wada Xaafad uu xalay Iska hor imaad ka dhacay

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howl galo ka wada Xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid, halkaasoo xalay iska hor imaad uu ku dhex maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo howl galo ka wada Xaafad uu xalay Iska hor imaad ka dhacay

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wada jir ah ayaa soo buuxiyay xaafada Towfiiq iyo xaafado ku dhow dhow Jidka Warshadaha oo habeenadii la soo dhaafay weeraro ka dhaceen.

Iska hor imaadkii xalay ayaa ka dambeeyay kadib markii saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen Xaafada Towfiiq la soo weeraray, iyadoo weerarkaas uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in iska hor imaadkii xalay uu ahaa mid culus, waxaana ay arkeen meydadka labo ruux iyo dhaawaca lix kale oo ahaa dhinacyadii dagaalamayay.

Mid ka mid ah dadka ku nool Xaafada Towfiiq ayaa sheegay in ciidamada lagu arkayo wadooyinka xaafadaha, iyagoo aad u feejigan, waxaana dhaq dhaqaaqa xaafadaas u muuqdaa mid cakiran.

Habeenadii la soo dhaafay ayaa waxaa weeraro ka dhacayeen xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa iyo Dayniile, halkaasoo la sheego inay ku xoogan yihiin xilliyada habeenkii Xoogaga Al-Shabaab.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  towfiiq

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS