Maraykanka oo ka Hanbalyeeyay Doorashadii Puntland

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Mareynkanka ee Africa u qaabilsan Will Stevens, ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in Dowlada Mareynkanka ay soo dhaweyneyso Doorashadii sida dimuqraadiyada ah ay ku dheehan tahay ee shalay ka dhacay Puntland,kaasi oo lagu doortay hogaamiyaha cusub ee C/wali Maxamed Cali Gaasi.

Maraykanka oo ka Hanbalyeeyay Doorashadii Puntland

Mareynkanka ayaa ugu hambalyey C/wali Maxamed Cali Gaas guusha uu gaaray,Faroolana ku amaanay sida uu ugu googol xaaray in Doorasho xor ah ay ka dhacdo Puntland.

" Mareynkanka wuxuu u arkaa Doorashadan talaabo lagu xoojinayo arimaha Federaalka ee Dowlad Goboleedyada,Waxaana ku dhiirigilineynaa maamulka Cusub ee Puntland iyo Dowlada Fedaraalka inay yeesheeb wada shaqeyn buuxda,si loogu googol xaaro in Puntland ku biirto Habka Feraalismka," ayaa lagu yiray warsaxaafadeedka laga soo saaray wasaarada arimaha dibada Mareynkanka ee Africa.

Sidoo kale,Mareynkanka ayaa shaaciyay in wada shaqeyn la yeelan doonaan maamulka cusub,islamarkaana dhinacyo badan ay ka taageeri doonaan.

Sidoo kale,Midowga Yurub ayaa doorashdii ka dhacday Puntland ku tilmaamay mid ku dayasho mudan,Soona dhaweynayaan.

Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, oo goob jog ahaa madasha doorashada ay ka dhaceysay ayaa la dhacay sida xildhibaanada ay u doorteen hogaamiyaha shanta sano ee soo socota hogaaminaya Puntland.

Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland C/wali Maxamed Cali Gasi ayaa sheegay inuu isbadal dhici doono.

" Waxaana Balan qaadayaa hormar iyo Nabad sanadaha soo socda,dhamaanteen aan ka shaqeyno kor u qaadista Nabada iyo hormarka Puntland,Gaasi raysal wasaarihii hore ayaa Guusha ka dib sidaasi sheegay.

C/wali Gaas ayaa sugeysa howl adag oo u baahan wax ka qabad,waxaana dhawaan Faroole wakaalada wararka war uu siiyaya ku sheegay in Tirada Al-shabaab eek u sugan Puntland kor u sii kacayaan,ka dib markii Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay ka saareen deegaano iyo Degmooyinka ka tirsan Koofurrta Soomaaliya.

Sagal Radio

Section  Somali
Category   Local News
Tag  usa

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS