Saciid Xasan Shire oo ku guuleystay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Is bedelka cusub oo bilowday (Sawirro)

Waxaa goor dhow soo dhamaaday doorashadii wareegii saddexaad ee tartanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, iyadoo ay isugu soo hareen labo musharax oo kala ahaa Saciid Xasan Shire iyo C/rashiid Maxamed Xirsi oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland.

Saciid Xasan Shire oo ku guuleystay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Is bedelka cusub oo bilowday (Sawirro)

Doorashada oo aheyd mid aad u kululeyd ayaa waxaa wareegii labaad ay codod isku mid ah ku soo wada baxeen Saciid Xasan Shire iyo C/rashiid Maxamed Xirsi oo wada helay 23-cod, iyadoo wareeg saddexaad ay wada galeen si ay cod hal dheeri ah ugu kala baxaan.

Wareega Saddexaad oo ahaa wareegii ugu dambeeyay ayaa waxaa ku soo baxay Saciid Xasan Shire oo helay codod dhan 40-cod, halka Gudoomiyihii hore C/rashiid Maxamed Xirsi uu helay 26 cod.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland 5-ta sano ee soo socota ayaa waxaa noqonaya Saciid Xasan Shire oo ku guuleystay doorashada, waxaana tani ay bilow u tahay is bedelka cusub ee hada bilowday.

Doorashada Madaxtinimada Puntland ayaa waxay dhici doonta 8-da bishan Janaayo, waxaana taagan dhowr iyo toban musharax oo uu ku jiro C/raxmaan Faroole Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo rajo ka qaba in mar kale loo doorto Madaxweynaha Puntland.













Section  Somali
Category   Local News
Tag  puntland

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS