Sawirada iyo Faafaahinadii ugu danbeeyay ee weeraradii xalay ka dhacay Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho

In ka badan oo qaarkood ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda ayaa xalay ku dhintay labo qarax is xigay oo ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Jazeera oo ku dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sawirada iyo Faafaahinadii ugu danbeeyay ee weeraradii xalay ka dhacay Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho

Khasaaraha ugu badan ee ka dhashay weerarkaan, ayaa waxa uu soo gaaray Ciidamadii Ilaalada ee Hotel Jaziira, oo rasaas qaraxyada la socotay kala kulmay dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab.

Dadka ku dhaawacmay qaraxyadaan, ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Bashiir Cadow Calasow, oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya.

Taliyihii Saldhiga Booliska ee Degmada Wardhiigleey C/khani, ayaa waxa uu kamid noqday dadkii ku dhintay weerarka abaabulan, ee lagu qaaday Hotelka sida weyn leh ammaankiisa loo ilaaliyo.

Sidoo kale seddex kamid ah Ciidamada Amisom, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmayn qaraxii labaad ee ka dhacay Hotel Jaziira, xilli ay gaareen Ciidanka Amisom iyo Dowladda.

Qaraxa hore oo uu fuliyay qof naftiis hure ah oo watay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay gaari uu lahaa Taliyihii hore ee Nabasugida Gobolka Banaadir Khaliif Ahmed Ereg oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka, inkastoo uusan gaariga saarneyn xiligaas.

Gaariga ayaa ku sugnaa afaafka hore ee Hotelka Jazeera, kadib markii uu ka degay Khaliif Ereg oo gudaha Hotelka ku jiray marka qaraxa dhacayay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in rasaas ay is weydaarsadeen ciidamada ilaalada ka ahaa Hotelka iyo Ilaalo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo banaanka Hotelka ku sugnaa, iyadoo rasaasta ay muddo socotay.

Qaraxa labaad ayaa ahaa gaari goobta yaalay, waxaana uu ku soo beegmay, xilli lagu howlanaa gurmadka loo fidinayay dadka ku waxyeeloobay qaraxii hore.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Dahir Saacid oo arinta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay banaanka hore ee Hotel Jazeera ku fashiliyeen labo qarax oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Jen. Saacid oo la hadlayay warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay toogteen labo ruux oo doonayay inay  gudaha u galaan Hotel Jazeera, si ay isugu qarxiyaan.

“Ciidamada dowladdu waxey ku jireen heegan buuxa tan iyo habeen hore kadib markii aynu ka war helnay qaraxyadaasi, hase yeeshee caawa ciidamadu waxey fashiliyeen dhamaan qaraxyadaasi argagixiso”ayuu yiri Jen. Saacid.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay adkeeyeen ammaanka caasimada, isla markaana xaalada ay iminka degan tahay.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan ayaa mar sii horeysay soo gaaray Hotelka, iyagoo caawa la wareegay ammaanka wadada dheer ee isku xirta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM4.

Waa markii labaad oo weerar qaraxyo ah lagu qaado Hotelka Jazeera oo ah Hotel ay degan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, siyaasiyiin, dad qurbaha ka yimaada iyo ajaaniib, waxaana bishii September ee sanadkii 2012 qaraxyo ismiidaamin lala eegtay, xilli uu deganaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligaas la doortay.

Sagal Radio

A firefighter walks at the scene of an explosion outside the Jazira hotel in Mogadishu, January 1, 2014. REUTERS-Feisal Omar

Police officers carry an injured man from the scene of a bomb attack outside the Jazira hotel in Mogadishu January 1, 2014. REUTERS-Feisal Omar

A firefighter looks at a destroyed car at the scene of an explosion outside the Jazira hotel in Mogadishu, January 1, 2014. REUTERS-Feisal Omar

Fire burns at the scene of an explosion outside the Jazira hotel in Mogadishu January 1, 2014. REUTERS-Feisal Omar

Police officers assess the scene of an explosion outside the Jazira hotel in Mogadishu, January 1, 2014. REUTERS-Feisal Omar

Police officers assess the scene of an explosion outside the Jazira hotel in Mogadishu, January 1, 2014. REUTERS-Feisal Omar

Soldiers assess the scene of an explosion outside the Jazira hotel in Mogadishu, January 1, 2014. REUTERS-Feisal Omar

Section  Somali
Category   Local News
Tags  hotel jaziira

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS