Shan qof oo ku dhimatay qaraxyo ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay caawa

Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday, 22 qof oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo caawa fiidkii ka dhacay afaafka hore ee hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho, waxaan ka hadlay ra’iisul waaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed.


Shan qof oo ku dhimatay qaraxyo ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay caawa

Qaraxyadan oo ahaa laba qarax oo waaweyn oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, iyadoo qaraxyadu ay ahaayeen kuwo is-xigay, waxaana mas’uuliyiin u hadlay dowladda ay sheegeen in weerarka uu ahaa mid ay ka dambeyso Al-shabaab.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay isugu jireen shacab iyo ciidammo ilaalo ka hayay hoteelka, iyadoo dhaawacyadii ay halkaas ka daad-gureeyeen gaadiidka gurmadka deg-degga ah.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin weeraradan, balse guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan saldhigyada ciidamada iyo goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha dowladda si aysan khasaare uga soo gaarin.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa weerarradan ku tilmaamay kuwo arxan-darro ah isagoo u hambalyeeyay ciidamada dowladda oo uu sheegay inay ku guuleysteen inay yareeyaan khasaaraha weerarradaas.

Mudane C/weli Sheekh Axmed ayaa tacsi u diray ehelladii dadkii halkaas ku dhintay, isagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ka adkaan doonto kuwa qaraxyadaas oo kale geysnaya.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo muddo hal saac ku dhow ay u dhexeysay ayaa waxaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la dhigay afaafka hoteelka Jasiira.

Khasaare aan badnayn ayaa hoteelka gaaray, iyadoo maamulka ay sheegay in muraayadaha hoteelka ay qaarkood daadiyeen qaraxyada, iyagoo xusay in aysan jirin khasaare soo gaartay dadkii hoteelka degenaa.

Hoteel Jasiira ayaa ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoo ay ilaalo xooggan ka hayeen hoteelka ciidammo fara badan tan iyo markii dhammaadkii sannadkii 2012 weerarro ismiidaamin ah oo Al-shabaab ay sheegatay mas’uuliyadooda lala beegsaday.

Xigasho: Hiiraan Online

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Qarax

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS