198 entries

Articles Published in January, 2014

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Jubba oo Digniin u Diray Ciidamada Amaanka ee ilaaliya dhulka iyo Jaadka

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Jubba Gen Darwish ayaa Digniin Culus oo Katirsan Jubba oo iyagu ilaaliya dhulka iyo goobaha qaadka lagu Gado taas oo uu ku Tilmaamay mid an lo dul qaadan Doniin.Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Maamulka Kismaayo lagu dhawaaqay waxaa Magaalada kusoo badanaye dadka isku haysta guryaha, iyadoo wasiirka uu sheegay in ciidamada Maamulka Jubba qaarkood ay ilaaliyaan dhulal la isku haysto, taasi oo uu ku tilmaamay mid aan shaqadooda aheyn.

Madaxweynaha J. F. Soomaaliya Oo Ka Hadlay Marxaladihii Ay Dowladdu Soo Martay Sanadkii Tegay (Dhageyso Wareysi)

Madaxweynaha dowlada Federalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar a siiyay TV-ga Qaranka ayaa waxa uu uga hadlay marxaladihii ay dowladdu soo martay sanadki tagey iyo yoolka ay hiigsaneyso sanadkan cusub ee 2014.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Bandhig Faneed Xalay Lagu Qabtay Muqdisho

Bandhig Faneedkani oo deeqa Lacageed  loogu uruurinayay dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay fatahaadii webiga shabeelle uu ka geystay deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro,xildhibaano,shacab fara badan,fanaaniin uu ka mid ahaa Cabdow Aram aram,  iyo fanaaniinta kooxda hobalada waaberi.

Raisulwasaaraha Dawlada Federaalka Soomaaliya oo soo kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga “Sawirro”

Raisul wasaaraha dawlada Federaalka Soomaaliya Soomaliya Dr.Cabdi wali Sheikh  Axmed ayaa maanta kormeer  hawleed ku tagey Xarunta wasaaradda gaashaandhiga ee Magaaladan Muqdishu.

Shan qof oo ku dhimatay qaraxyo ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay caawa

Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday, 22 qof oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo caawa fiidkii ka dhacay afaafka hore ee hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho, waxaan ka hadlay ra’iisul waaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

C/kariin Guuleed "Ku tala galka weerarkaas wuxuu ahaa inay Hotelka galaan, oo ay dad badan laayaan"

Sii hayaha Xilka Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed booqday Hotelka Jazeera oo qaraxyo xalay ka dhaceen ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen isku dayga weerarkaas oo ahaa in gudaha loo galo Hotelka.

Faah Faahin Ku Saabsan Qaraxyadii xalay ka dhacay Afaafka Hore ee Hotel Jazeera

Fiidnimadii hore ee xalay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar argigixisonimo oo ay Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab ku damacsanaayeen iney kusoo qaadaan hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayadoo faah faahin dheeraad ah ay kasoo baxeyso qaabka ay qaraxyadaasi u dhaceen.

Sawirada iyo Faafaahinadii ugu danbeeyay ee weeraradii xalay ka dhacay Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho

In ka badan oo qaarkood ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda ayaa xalay ku dhintay labo qarax is xigay oo ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Jazeera oo ku dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Midowga Afrika Oo Cambaareeyay Weerarkii Argagixiso Oo Ay Fashiliyeen Ciidamada Dowladda.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Danjiraha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxyadii loo adeegsaday gawaarida oo xalay ciidamadu ku fashiliyeen bannaanka hore ee Hotelka Jasiira.

Al-shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada qaraxyadii xalay ee Muqdisho Mar kalana ku celiyay in shacabku ay ka fogaadaan goobaha Ciidamada DF iyo Dhinacyada caawiya

Sarkaalka Al-shabaab ugu magacaaban Gobokaan Banaadir l Sheikh Ali Hussein, oo loo yaqaano  Abu Jabal, ayaa sheegay inay dagaalyahanadooda ka danbeeyaan weeraradii xalay ka dhacay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS