192 entries

Articles Published in December, 2013

Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Nelson Mandela oo ku geeriyooday da'da 95-sano

  Madaxweynihii ugu horeeyay Madow ee Koofur Afrika ayaa xalay saqdii dhexe ku geeriyooday Gurigiisa oo ku yaala magaalada Johannesburg, isagoo jira da'da 95-sano.

Fowzia “Dib u kabashada Dhaqaalaha ayaa keeni kara xasilin isla markaana baabi’in kara Argagaxisada.”+SAWIRO

Raysul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji  Aadan ayaa sheegtay in dhaqaalaha oo dib u soo kabta uu horseedi karo in la sugo amniga, isla markaana lagu guulaysto cirib-tirka argagixisada.

Shiikh Axmed Madoobe oo ciidan gaar ah u saaray ammaanka Kismaayo

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba ayaa wareegto uu maanta soo saaray wuxuu ku amray in 200 oo askari oo ka tirsan guutada 94-aad ee ciidanka maamulkiisa ay si ku-meel-gaar ah ula wareegaan ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. 

Ammaanka Beledweyne oo laga warbixiyay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo, oo maanta socdaal ku maray waddooyinka iyo suuqyada magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay u kuurgalayeen xaaladda nabadgelyo ee magaalada.

Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirudowlaha W/Arrimaha Gudaha Oo Gaaray Jowhar Kulamana La Qaatay Maamulka Iyo Waxgaradka G/Sh/Dhexe

Wasiiru  dawlaha   wasaarada   arrimaha  gudaha  iyo  amaanka   Qaranka   oo  ay weheliyaan   xildhibaanno  ka tirsan   Barlamaanka   oo   shalay    gaaray    magaalada   Jawhar   ayaa   kulan  la qaatay    waxgaradka  iyo   odayaasha   beelihii   dhawaan  ku   dagaalamay   deeganno   ka tirsan gobolka Sh/Dhexe.

Madaxweynaha J. F. Soomaaliya Oo Dowlada Iyo Shacabka South Africa Uga Tacsiyeeyay Geeridii Nelson Mondela

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane xasn Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u diray shacabka iyo dowlada Koonfur Africa geeridii ku timid madaxweynihii hore ee dalkasi Nelson Mandel.

Dhageyso:R/wasaare Saacid, Xildhibaanno Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Ka Qeybgalay Aaski Marxuum Maxamed Warsame Feysal

R/wasaare Saacid, gudoomiye ku xigeenka Labaad  ee Barlamanka Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay Aaska Allaha u naxariistee  marxuum Maxamed Warsame Feysal oo ahaa godoomiyihii gudiga arriamaha bulshada baralamanka Soomaaliya oo shalay ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso

C/wali Gaas "Waxaan Puntland ka dhaqajinaynaa meesha ay taagan tahay, waxaana geynaya meesha

Musharax C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Puntland oo ku guda jira socdaalkiisi Musharaxnimo ee Isbedel doonka iyo booqashooyinkiisi deeganada Puntland ayaa dadweyne fara badan oo farxad ay ka muuqato ku soo dhoweyeen Magaalada Qardho iyo deegano badan oo uu socdaal ku marayay.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho...
HALKAAN KA DHAGEYSO WARKA IYO BARNAAMIJKA

Daawo sawiradda:Ra'iisul Wasaaraha xilka ka dagaya Saacid oo ka qeybgalay Aaska Marxuum Xil. Maxamed Warsame

Ra’iisul Wasaaraha xilka ka dagaya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa saaka ka qeybgalay aaska Marxuum Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed “Feysal” oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuuna Ra’iisul Wasaare Saacid halkaasi ka jeediyay erayo tacsi ah.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS