192 entries

Articles Published in December, 2013

Gobalka Bay oo ay ku dagaalameen Shabaab iyo Dowlada Soomaaliya

Wararka laga helaayo magaalada goof gadood ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyo Ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo xarakada Al-shabaab.

Brundi oo si rasmi ula wareegtay hogaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya (Sawirro)

Dowladda Brundi ayaa la wareegtay hogaanka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kadib markii Taliye cusub u soo magacawday Taliska Guud ee AMISOM.

Dhallinyaro Fara badan oo lagu Qab-qabtay Baydhabo Kaddib Markii ay soo baxday Cabsi laga qabo Qaraxyo Degmadaas ka dhaca

Magaalada Baydhabo ayaa beryahan waxaa ka jira howlgallo lagu qabqabanayo dhallinyarada, iyadoo la sheegayo in magaalada ay soo galeen xoogag taageersan Al-shabaab kuwaasoo doonaya inay qaraxyo ka sameeyaan gudaha magaalada.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo magacaabayo Ra'iisul Wasaare

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku soo magacaabayo Ra'iisul Wasaare cusub, kadib markii shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu kalsoonida kala laabtay Xukuumadii Ra'iisul Wasaare Saacid.

Qaar Ka Mid Ah Qaxootiga Dhabaab Oo Doonaya Iney Dalkooda Dib Ugu Soo Laabtaan

Waxaa sii kordhaya tirada dadka qoxootiga Soomaaliyeed oo iska diiwaan gelinaya xafiisyada hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan UNHCR kuwaasi oo doonaya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Loo Heystay Burcad Badeednimo Oo Maanta Lagu awado in ay gaaraan Gaalkacyo

Dhalanyaro Soomaaliyeed oo in mudo ah ku jiray xabsi ku yaala Jasiirada Maldevis ayaa lagu wadaa in maanta laga dejiyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo loo heystay falaal burcad badeednimo.

Ciidamadda Somaliland oo Xabsiga dhigay Maanta Wariyeyaal Mudaharaad cabasho ah ka sameeyey Hargeysa

Ciidamadda Amaanka Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay ilaa shan wariye oo sitay Boodhadh ay ku qoran yihiin inay xukuumadu cabudhinayso warbaahinta iyo sida ay uga soo horjeedaan siideyntii nin hubaysnaa oo dhowaan weeraray wargeyska Hubaal oo jeelka laga siidaayey.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo goor dhow Magacaabay Guddiga Doorashada iyo Ansixinta

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed (Faroole) ayaa maanta magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta, guddigan oo ka kooban siddeed xubnood waxaa ku jira aqoon yahanno caan ka ah Puntland iyo weliba cuqaal.

Dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay tiro intaas ka bandanna way ku dhaawacmeen iska-horimaad culus oo xalay ku dhexmaray degmada Huriwaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Daawo Sawirada Dhibaato Xanuun badan oo ka dhacday Maanta oo kale afar Sano kahor Muqdisho Maxaa ka dhacay?

Shalay oo ah 3 bisha december waxay ku beegneed sanad guurada 4-aad ee ka soo wareegtay dhacdadii waxyeelada badneyd ee ka dhalatay qaraxii ka dhacay gudaha Hotel Shamow oo lagu qabanayay xaflad caaqibo badan oo ay dhiganayeen arday ka qalin jabiyay kuliyado ka tirsan Jamaacadda Banaadir ee gobolka Banaadir.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS