192 entries
Articles Published in December, 2013
Dowlada Ethioipa ayaa shaacisay in ay Oggolaatay Codsi uga yimid
Golaha Ammaanka QM oo ku aadanaa ka qeybgalka Howlgalada AMISOM ee
Somalia. Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa saxaafada
u sheegay in diyaar ay la yihiin ciidamo ka qeybqaata Howlgalada
AMISOM ee Somalia kuwaasoo dowr ku yeelan doona dagaalada ka dhanka ah
Alshabaab.
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf, ayaa waxba
kama jiraan ku tilmaamay eedo uu Somaliland u soo jeediyay Dhigiisa
Somalia. waxa uu ku adkeystay in aanay dalka Somaliland soo cago dhigan
karin dad aan sharci heysan, waxaanu sidoo kale beeniyay warar sheegaya
in Baasaboorka Somalia si foojari ah loogu sameeyo Somaliland.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas
Kay, ayaa maanta ammaan u soo jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee
jagada ka degaya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, wuxuuna tilmaamay
kaalinta mas’uulnimada leh ee Baarlamaanka Federaalka iyo Guddoomiyaha
Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ay u maareeyeen mooshinka
“kalsooni ka qaadidda”.