9 entries

Articles Published on December 30, 2013

Xarakada Al-shabaab oo shacabka Muqdisho ugu baaqday inay ka fogaadaan Saldhigyada Ciidamada iyo Xarumaha Dowladda

Al-shabaab ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqday inay ka fogaadaan saldhiyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho iyo weliba xarumaha dowladda, iyagoo sheegtay inay goobahaas yihiin kuwa ay mar walba beegsanayaan.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Jen. Cadde Muuse oo kulan ku yeeshay Maanta Magaalada Garoowe

Xarunta madaxtooyada Puntland waxaa maanta kulan ku yeeshay madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroore iyo madaxweynihii hore ee Puntland, Jen.Cadde Muuse Xirsi iyo Nuuradiin Aadan Diiriye oo ah wakiilka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo si deg deg ku amray in diyaarad loogu diro Soomaalida ku go'doonsan K/Sudan (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Nairobi kaga qeyb galay shir madaxeedkii aan caadiga aheyn ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayay xaalada Koofurta Sudan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo maanta la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Baay

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Baay, kadib howl gal ay si wada jir ah u qaadeen.

Ganacsade Caan Ka Ahaa Caabud waaq Oo Xalay Lagu Dilay Deegaanka Dhabad ee Gobolka Galgaduud

Mid ka mid ah ganacsatada degmada Caabud waaq ee gobolka Galgaduud ayaa xalay lagu dilay deegaanka Dhabad  oo ka tirsan gobolkaasi, xili uu soo galbinayay gaadiid badeeca u siday oo ka yimid magaalada Boosaaso, waxaana kooxda dishay ganacsadahaasi ay ahaayeen kooxo jid gooyo ay u tiilay duleedka deegaanka dhabad sida uu soo sheegayo wariyaheena gobolkaasi  C/kariim Axmed Bulxan.

Muqdisho oo looga dhawaaqay urur ay ku midaysan yihiin haweenka suxufiyiinta ah

Urur cusub oo ay ku midaysan yihiin haweenka suxufiyiinta ah ayaa Axaddii shalay looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Shaqaale u shaqeynayay Hey'ado Maxali ah oo lagu afduubtay inta u dhaxeysa deegaanka Taabto iyo Dhoobley

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in shaqaale u shaqeynayay Hey'ado maxali ah oo lagu magacaabo Juba Foundation iyo Southern Aid shalay lagu afduubtay inta u dhaxeysa deegaanka Taabto iyo degmada Dhoobley.

Qarax Lagula Eegtay Askar Ka Tirsan Booliska Kenya Xerada Qaxootiga Dhagaxley

Qaraxa oo ka dhacay bartamaha xerada Qaxootiga Dhagaxley ee dalka Kenya ayaa waxaa lala beegsaday gaari ciidamada Booliska Dalka Kenya ay wateen kuwaa oo ilaala u ahaa hey’adaha Samafalka ah ee ka howlgala xeradaasi oo ay ku jiraan kumanaan Soomaali ah.

Itoobiya oo sheegtay inay adkaynayso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya

Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya dalka Soomaaliya Wondimu Asaminew ayaa sheegay in ay sii ballaarinayaan xiriirka Itoobiya kala dhaxeeya Soomaaliya.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS