Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Oo Maanta kormeer ku tagay Dakedda Weyn ee Muqdisho,

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Weli Sheekh Axmed, waxa uu kormeerkiisa ka billaabay Iskuulka Macallin Jaamac oo uu si rasmi ah maanta xarigga uga jaray, waxaana kormeekiisa ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo Ra’iisul wasaaraha uu soo Indha Indheeyey qaar ka mid ah Fasallada ay wax ku bartaan Iskuulka Macalin Jaamac ee degmada X/weyne ku yaalla.

Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Oo Maanta kormeer ku tagay Dakedda Weyn ee Muqdisho,

Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed, ayaa war-bixin ku aaddan marxaladda uu soo maray Iskuulka soo maray ka dhageystay Gud. Degmada X/weyne, Inkaasi kaddib ayuu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya sheegay in u jeedada kormeerkiisa ay tahay sidii loo dhiiragalin lahaa Barnaamijka Aada Dugsiyada, isagoo sheegay in Xukuumaddiisuna ay xoogga saari doonto Tayetnta Manhajka Waxbarasha dalka.

Sidoo kale  isagoo halkaasi kulan kala qaatay wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Badda, dhanka kale waxa uu soo kormeerray Bakhaarada lagu keydiyo Rashiinka iyo badeecadaha ka soo dega Dakedda.

Warbaahinta ayuu mar kale u sheegay Ra’iisul wasaaraha in ay ka go’antahay sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay Dakedda Ummadda Soomaaliyeed u heysto, isagoo xusay in ay ku dadaali doonto Xukuumaddiisa sidii looga faa’ideysan lahaa ahmiyadda ay dalka u leedahay Dakedda Muqdisho.

Dhinaca  kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa booqasho ku tagay xerada barakacayaasha Rajo ee degmada Wadajir, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 400 oo qoys, iyadoo dowladda Turkigana ay caawimaad joogta ah u fidiso dadkaasi Soomaaliyeed mudada ka badan laba sannadood.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xog wareysi la yeeshay qaar ka mid ah dadka ku nool xerada Rajo, kaddib ayaa la hadlay waxa uuna aad ugu mahadceliyey dowladda  Turkiga iyo hey’adooda gargaarka ee dadkan gacanta u fidiyey, waxa uu intaa ku daray in Xukuumadda ay ku dadaaleysi sidii dadka barakayaasha ah looga caawin lagaa dib ugu laabashada deegaannadii ay ka soo barakaceen.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha Jamruuriyadda Soomaaliya, Mudane C/weli Sheekh Axmed, ayaa hoyga uu Muqdisho ka degan yahay ku booqday Fanaanka Soomaaliyeed ee Cabdi Tahaliil Warsame oo Muddo xanuusanaya, si uu ugu kuurgalo xaaladda uu ku nool yahay, isagoo sheegay in xaaladdiisa wax lagala qaban doono ehelada Fanaanka.

Waa booqashii ugu horreysay ee tan iyo markii uu xilkiisa sida rasmiga ah ula wareegay Ra’iisul wasaare C/weli oo aan weli dhisin golahiisa wasiirrada.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  booqashadii cabdi wali

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS