6 entries

Articles Published on December 28, 2013

Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Oo Maanta kormeer ku tagay Dakedda Weyn ee Muqdisho,

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Weli Sheekh Axmed, waxa uu kormeerkiisa ka billaabay Iskuulka Macallin Jaamac oo uu si rasmi ah maanta xarigga uga jaray, waxaana kormeekiisa ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo Ra’iisul wasaaraha uu soo Indha Indheeyey qaar ka mid ah Fasallada ay wax ku bartaan Iskuulka Macalin Jaamac ee degmada X/weyne ku yaalla.

Taliska AMISOM Oo Sheegay in ay Bilaabayaan Howlagalka Lagu Baacasanayo Maleeshiyaadka Fara Ku Tiriska ah ee Al Shabaab

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa Cornel Cali Aadan Aumad ayaa shir jaraa’id oo uu manta ku qabtay taliska ciidamada AMISOM waxa uu kaga hadlay xaaladaha amniga ee goobaha ay Dalka kaga suganyihiin ciidanka AMISOM iyo waliba dhaq dhaqaaqyadi ugu dambeeyay oo ay ka sameeyeen caasimada iyo qaar ka mid ah gobolada dalka waxa uuna sheegay in xaalada amni ee dalku aad u soo hagaageyso marka laga reebo falal amniga lidi ku ah oo ay mararka qaar geystaan argagaxisadu,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Diblomaasiyiin kula kulmay magaalada Nairobi (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah shalay iyo xalay Nairobi kula qaatay Diblomaasiyiin caalami ah, isagoo kala hadlay xaalada Soomaaliya.

Degmada Afgooye Oo Lagu Aasay Nabadoon Caan Ka ahaa Oo Xalay Lagu Dilay Degmadaasi

Allaha  unaxariistee Nabadoon C/laahi  Maxamuud Baliil oo Xalay kooxa dhagar qabayaal ay ku dileen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa maanta lagu Aasay duleedka degmadaasi, iyadoo aaskaasi ay ka qeyb galeen Xildhibaano, Mas’uuliyiinta degmada Afgoooye, kan gobolka, iyo Saraakiil ka Tirsan Hey’adaha Ammaanka.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijkii dhacdooyinkii toddobaadkii tagay ee Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho..
HALKAAN KA DHAGEYSO

Madaxda IGAD oo ku hanjabay in tallaabo ay qaadayaan haddii si dhaqso ah aan lagu joojin Colaadda Koonfurta Suudaan

Madaxda dalalka urur goboleedka IGAD oo kulan ku yeeshay Nairobi Jimcihii shalay ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabo aanay sheegin nooceeda haddii labada dhinac ee dagaalamaya aysan colaaddooda ku joojin muddo afar casho ah.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS