8 entries

Articles Published on December 25, 2013

JAWAARI: “Xukuumadda cusub waxaa looga fadhiyaa inay abuurto Mashaariic fara badan si Shaqo la’aanta looga baxo”

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in xukuumadda cusub looga fadhiyo inay abuurto mashaariic fara badan si dhallintu ay uga baxaan shaqo la’aanta haysata.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo bilaabayo wada tashiyo uu ku soo magacaabayo Golihiisa wasiirada

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa bilaaabay wada tashiyo ballaaran uu ku soo magacaabayo Golihiisa Wasiirada, iyadoo xalay kulamo gaar gaar ah uu Madaxtooyada kula qaatay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo beel beel uu ula kulmayay.

Dagaallo Ciidammada Dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Degmada Garbahaarey

Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaallo xalay duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ku dhexmaray xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidammo dowladda Soomaaliya oo ay taageerayeen kuwa Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya oo wada qorshe ay ku soo daad-gureyneyso Soomaalida ku go'doonsan Koofurta

 Safaarada Soomaaliya ee Koofurta Sudan ayaa maanta shaaca ka qaaday inay soo daad-gureyneyso Muwaadiniinta Soomaalida ee ku go'doonsan gobolada ay ka socdaan dagaalada, kadib markii cabasho ka soo yeeray Soomaali fara badan oo saameyn ku yeeshay dagaalada u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ee Ku Sugnaa Sh/hoose Oo Muqdisho Ku Soo Laabtay”Sawirro”

Wafdigan uu hogaaminayay Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo ka koobnaa Xildhibaanno iyo Odayaal dhaqameed ayaa galinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay Magaalada muqdisho ka dib muddo sadex maalmood ah oo ay howlo dhex dhexaadin ah u joogeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Prof: Warsame Hassan Ali oo aanu ka wareysanay aqoonta uu u leeyahay Raiisal Wasaaraha Cusub, Abdiweli Sheikh Ahmed, Arimaha wax barashada,Iyo Qodobo kale oo xiiso leh.

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4 Prof: Warsame Hassan Ali  oo aanu ka wareysanay aqoonta uu u leeyahay Raiisal Wasaaraha Cusub,  Abdiweli Sheikh Ahmed, Arimaha wax barashada,Iyo Qodobo kale oo xiiso leh.
Prof. Warsame Hassan Ali

Daawo Sawirada: Ciidan ilaalo u ah musharaxiin oo Wariye ku jirdilay Magaalada Garowe

Ciidan ka tirsan Kuwa ilaalada u ah musharaxiinta ayaa maanta guriga musharax Maxamed Cabdinuur ee magaalada Garoowe jirdil ugu geystay wariye ka mid ah saxafiyiinta ka howlgala magaalada Garoowe Caasimada Puntland.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo gabi ahaan la wareegay Garbahaarey

Wararka laga helaayo gobalka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ay gabi ahaan la wareegeen Fariismaha ay ciidamada DF Somalia iyo Ahlu Sunna ku lahaayeen degmada.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS