Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kormeer Hawleed Ku Tagey Wasaaradda Gaashadhiga

Madaxweyne xasan sheikh Maxamuud oo ay wehliyaan saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida ayaa maanta kormeer howleed ku tagey xarunta wasaaradda gaashandhiga e Soomaaliya, isla markaana  soo kormeeray qeybaha kala ay ka kooban tahay Wasaaradaasi kulamana la  la qaatay saraakiisha sar sare ee mileteriga Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kormeer Hawleed Ku Tagey Wasaaradda Gaashadhiga

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo kormeerkiisan ugu kuurgalayay xaalada ciidanka xoogga dalka iyo qaabka ay u shaqeeyaan talisyadooda ayaa hadal u jeediyay saraakiisha iyo ciidamada uu la kulmay  ugu horeyn la dardaarmay ciidamada mileteriga dardaarankaasoo  ku aadan ka dhabeynta waajibaadka ay Dabka u qaateen iyo hab la dhaqanka bulshada Soomaaliyeed

Madaxweynaha ayaa u sheegay dhinaca kale saraakiisha xoogga dalka inay Ciidanka  ku hogaamiyaan  wadada saxda ah, si meesha looga saaro heeryada argagaxisada  weli kuharsan goobo cayiman, isagoo tilmaamay in dowladu ay dadaal dheer u geli doonto sidii ay ciidamadu u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Kulamadasi oo Faahfahsan dib ayaad uga bogan doontaa Web-ka  radiomuqdisho.net

Section  Somali
Category   Local News
Tag  madaxweynaha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS