6 entries

Articles Published on December 23, 2013

Wasiirka Gaashaandhiga Oo Sheegay in Ciidamo Ay Kala Dhex Dhigeen Maleeshiyaadkii Ku Dagaalamay Deegaanka No.50

Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo ku sugan isaga iyo wafdi uu hogaaminayo deegaanka No.50 ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyaadkii ku dagaalamay deegaanadaasi ay hishiis kala dhex dhigeen haddana meel wanaagsan ay u mareyso arrimihii gobolkaasi ay u tageen.

Wariye lagu xiray magaalada Kismaayo

Aadan Maxamed Salaad (Aadan Kismaayo) oo ka mid ah wariyeyaasha Taleefashinka Qaranka iyo Raadiyaha Muqdisho ee dowladda ayay galabta xabsiga dhigeen ciidamada maamulka KMG ee Jubba.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhanbaal hanbalyo ah ka helay dhiggiisa Ethiopia

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamuud ayaa dhanbaal hambalyo ah ka helay dhiggiiisa dalka Ethiopia mudane Hailemariam Desalegn, waxana warqadda hanbalyada ah ku aaddan tahay magacaabistiisa iyo ansixintiisa ee xilka Ra’iisul Wasaarenimada Soomaaliya.

Murashaxiinta ugu cadcad doorashada madaxtinimada ee Puntland iyo taariikh nololeedkooda oo kooban (SAWIRRO)

Deegaanada Puntland waxaa si xooggan uga socda ololaha doorashada madaxtinimada, doorashadaas oo dhici doonta 8-da bisha soo socota ee January. Musharraxiin 20 kor u dhaafaya ayaa isu soo taagay jagada madaxweynaha, waxaase aad loo hadal hayaa in doorashada uu kusoo bixi doono mid kamid ah afarta musharrax ee kala ah:

Ganacsatada Soomaaliyeed Ee Dalka K/Sudan Oo Ay Saameeyeen Dagaallada ka Socda Dalkaasi

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka koonfurta Suudaan ayaa waxaa saameyn culus ku yeelatay dagaalada qasaaraha badan dhaliyay ee ka socda deegaanada iyo degmooyinka dalkaasi oo ay isaga horjeedaan kooxaha mucaaradka ah iyo dowladda wadankaasi oo uu hogaamiyo madaxweyne Selve ker.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kormeer Hawleed Ku Tagey Wasaaradda Gaashadhiga

Madaxweyne xasan sheikh Maxamuud oo ay wehliyaan saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida ayaa maanta kormeer howleed ku tagey xarunta wasaaradda gaashandhiga e Soomaaliya, isla markaana  soo kormeeray qeybaha kala ay ka kooban tahay Wasaaradaasi kulamana la  la qaatay saraakiisha sar sare ee mileteriga Soomaaliya.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS