9 entries

Articles Published on December 19, 2013

Shabaab oo ku dhawaaqday inay xabad joojin kala dhex dhigtay beelihii ku dagaalamay Sh/Hoose

Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday inay xabad joojin kala dhex dhigtay beelihii ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii ay shir nabadeed ugu qabatay degmada Buulo Mareer odayaal ka soo kala jeeda labada beel ee dagaalamayay.

Ururka RSF oo Shaacisay Tirada Suxufiyiintii Sannadkan 2013-ka lagu dilay Caalamka oo dhan iyagoo Shaqooyinkooda wata

Sannadkan 2013 ayaa la sheegay in lagu dilay caalamka oo dhan 71 suxufi, kuwaasoo la toogtay xilli ay ku jireen howlahooda shaqo, sida lagu sheegay warbixin uu soo saartay  ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF.

Howl galka Midowga Yurub ee Tababarka milateri oo laga soo rarayo Uganda, loona soo wareejjinayo Soomaaliya

Barnaamijka Howl galka Tababarka Milateri ee Midowga Yurub ayaa horaanta sanadka cusub loo soo wareejinayaa Soomaaliya, iyadoo laga soo rari doono dalka Uganda oo sanadihii u dambeeyay lagu tababaray Askar Soomaaliyeed.

Dowladda Kenya oo Sheegtay in ay billowday Qorshayaal Muwaadiniintooda ay kaga soo saarayaan Dalka Koonfurta Suudaan

Xukuumadda Kenya ayaa maanta shaacisay in si nabadgalyo ah ay muwaadiniintooda ku sugan dalka Koonfurta Suudaan uga soo saarayaan, kaddib markii ay dalkaas ka curteen dagaallo u dhexeeya ciidamada dalkaas oo hab beeleed u abaabulan.

Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed oo cambaareeyay dilkii Dhakhaaiirta

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii waxashnimada ahaa ee lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Suuriyaan, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal duleedka magaalada Muqdisho.

Falaagada Koofurta Sudan oo la wareegay magaalada Muhiimka ee Bor, kadib dagaalo ka dhacay

Falaagada Koofurta Sudan ee daacada u ah Madaxweyne kuxigeenkii hore Riek Machar ayaa qabsaday magaalada Bor ee Gobolka Saliida hodanka ku ah ee Junglie oo xuduud la leh dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya "Kuwii ka danbeeyey dilka Dhakhaatiirta waa in sharciga la hor keenaa"

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii waxashnimada lahaa ee loo geystey Dhakhaatiirtii Suuriyaanka iyo kuwii Soomaalida ahaaba, oo maanta lagu dilay agagaarka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho

Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya oo ka mid ah Wasiiro IGAD ka socda oo booqanaya Koofurta

Sii hayaha xilka Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta u ambabaxay magaalada Jubba ee Caasimada Koofurta Sudan, iyadoo qeyb ka ah Shan Wasiiro Arrimo dibadeed ka socda IGAD oo ku baxay xiisadaha ka taagan Koofurta Sudan.

Gudd.X/Kowaad Ee Baarlamaanka Jeylaani Cadde Iikar Oo ka Qayb Galey Aaskii Xildhibaan Marxuum Xasan Maxamed Cali

Barqadanimadii maanta ayaa lagu aasay qubuuraha ku yaala cusbitalka madiina alle ha u naxriistee xildhibaan xasan maxamed cali oo xalay ku geeriyooday magaalada tan muqdisho , waxaana aasaka ka qeyb galay  gudoomiye ku xigeenka 1 aad ee barlamaanka soomaaliya jaylaani nuur iikar iyo ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mahad cabdala cawad, xildhibaano iyo dadweyne kale.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS