6 entries

Articles Published on December 16, 2013

Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo si nabad kula wareegay deegaanka Nambar 50

Wararka ka imaanaya deegaanka Nambar 50 ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ku hubeysan 11-gaadiidka dagaalka ay saakay waabarigii hore gaareen deegaankaas, iyadoo maleeshiyadii deegaanka ee horay ugu sugnaa ay isaga baxeen.

Booliska dalka Kenya oo shaaciyay sawirka wiil Soomaali ah oo ay la xiriiriyeen weerarkii Nairobi

Booliska dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirka wiil Soomaali ah oo ay la xiriiriyeen inuu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah oo Soomaali u badnaa.

Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Gaaray Kismaayo

Wafdigan ka socday Qaramada Midoobay ayaa waxaa hogaaminayay xiriiriyaha gar gaarka beni’aadanimo ee Qaramada Midoobay Philippe Lazzarini, waxaana markii ay gaareen kismaayo loo galbiyay xarunta Madaxtooyada, iyadoo halkaasi ay ku soo dhaweeyeen mas’uul ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Isku Aadka Koobka Naadiyada Yurub oo Lagu Dhawaaqay iyo Kooxo Adag oo Isku Beegmay

Waxaa Goor dhow  magaalada Zurich ee xarunta xiriirka kubadda cagta ee yurub looga dhawaaqay sida ay u wada ciyaari doonaan 16ka kooxood ee u soo baxay wareega labaad ee koobka naadiyada yurub ee Champions League.

Taliska Ciidanka Boliiska Oo Diyaargarow Ugu Jira Xuska Maalinta Ciidankaasi Ee 20-ka December+Sawirro

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa diyaargarow ugu jira xuska sanadguuradii 70 aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku asteysan 20 December.

Taliyihii Ciidamada AMISOM oo lagu badalay mid cusub

Kadib Munaasabad aad u ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Safiirada Wadamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo Madax ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Mdowga Yurub ayaa maanta wax ay ka dhacday Xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS