NICHOLAS KAY: “Waxaa socda Qorshayaal lagu Weerarayo Goobaha ay Al-shabaab kaga sugan tahay Soomaaliya”

Madaxa xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu weerarayo deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gudaha dalka Soomaaliya.

NICHOLAS KAY: “Waxaa socda Qorshayaal lagu Weerarayo Goobaha ay Al-shabaab kaga sugan tahay Soomaaliya”

Danjire Kay ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysay horumar dhinacyo badan leh kaddib 22-sano oo colaado ah, balse dhibaatada weli jirta ay tahay in Al-shabaab ay gacanta ku hayso qaybo ka mid ah dalka.

“Waxaa jira qorshe lagu doonayo in lagu weeraro deegaannada ay kooxda Al-shabaab ka taliso, taasina waxay qayb ka tahay qorshayaasha la doonayo in Soomaaliya lagu gaarsiiyo sannadka 2016-ka doorasho xor ah,” ayuu Kay u sheegay xubnaha golaha ammaanka isagoo shir ay xalay yeesheen kaga qaybgalay qalabka la iska arko.

Ergayga oo ku sugan Muqdisho ayaa hadalkiisa ku daray in haddii qorshahan uu noqdo mid guul-darreysta ay keeni karto in Al-shabaab ay awooddeeda ku baahiso Qaaradda Afrika oo dhan.

“Qaramada Midoobay iyo dalalka caalamka waxaan ugu baaqayaa in gacan laga siiyo dowladda Soomaaliya sidii ay Al-shabaab uga adkaan lahayd ayna ku fulin lahayd qorshayasha u dagsan inay dalkeeda gaarsiiso,” ayuu Kay ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, ergayga ayaa soo hadal qaaday kaalmooyinkii lagu deeqay shirkii Brussels ka dhacay bishii September ee sannadkan, isagoo beesha calaamka weydiistay inay dhaqaalihii ay ugu yabooheen Soomaaliya bixiyaan si dib u dhis loogu sameeyo dalka ay colaaduhu burburiyeen.

“Waxaan ugu baaqayaa beesha calaamka inay ka dhabeyso bixinta lacagtii ay ugu yahoobeen Soomaaliya intii uu socday shirkii Brussels, qorshaheedu ahaa in dib loogu dhiso dalka Soomaaliya,” ayuu yiri Kay.

Dhanka kale, ergaygu wuxuu 15-ka xubnood ee golaha ammaanka uu u sheegay in weli ay jirto khatar ay Al-shabaab ku hayso Muqdisho, isagoo dalbaday in ilaalo gaar ah oo ka socota Qaramada Midoobay loosoo diro Soomaaliya si ay u difaacaan xafiiska UNSOM ee Muqdisiho ka howlgala.

Hadalka ergayga ayaa wuxuu imaanayaa xilli kalsoonida lagala laabtay xukuumaddii Somaila lana filayo inuu ku dhawaaqo goor-dhow madaxweyne Xasan Sheekh ra’iisul wasaarihii bedeli lahaa ra’iisul wasaare Saacid oo hal sano xafiiska joogay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  key

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS