7 entries

Articles Published on December 11, 2013

Daawo Sawirada Meydka Mandela Oo La Geeyay Xarunta Union Buildings Iyo Kumanaan Ciidan Ah Oo Wadooyinka La Dhigay

Meydka Madaxweynahii Hore Ee K/Afrika Nelson Mandela Ayaa Saakay La Geeyay Xarunta Madaxtooyada Dalka Ee Union Buildings Magalada Pretoria Halkaasi Oo Sadax maalin uu yaalayo.

Siminaar looga hadlayay nabada oo loo qabtay Haween ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir (Sawirro)

Siminaar looga hadlayay nabada iyo is dhex galka bulshada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen Mas'uuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiyeyaasha Haweenka degmooyinka iyo Ururada haweenka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Laga Hirgeliyay Baledweyne

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in maanta si rasmi ah ay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka hiiraan ka hirgelisay Xafiiska Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Sooamaliya, iyadoo dhanka kale sheegtay in dhawaan qeybaha kale ee dalka ka xureynayso Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Gudiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Soomaaliya Oo bulshada ugu baaqay in Dowladda ay ka gacan siiyaan ilaalinta Xuquuqda Aadanaha

Guddoomiyaha  guddiga xuquuqul insaanka Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye  ayaa ku baaqday in la ilaaliyo xuquuqda bini’aadanka xili maalinimadii shalay ay ku beegneyd maalinta xuquuqda aadanaha uu u aqoonsaday aduunka, waxaana ay sheegtay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo xoojinta ilaalinta xuquuqda bini’aadanka.

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Codsatay Ururka Iskaashiga Islaamka Howlgelinta Sanduuqa Kaalmada Soomaaliya

Maalintii labaad ayaa waxaa ka soconaya Caasimadda Conakry ee dalka Guinea Shirka 40-aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada islaamka ee ku midoobay Ururka iskaashiga islaamka, iyadoo kulankaasi uu u matalayo dowladda Federaalka Soomaaliya Abdirizak Siyad Abdi oo ah ergeyga Soomaaliya uga wakiilka ah Ururka iskaashiga islaamka , Xaruntiisa Jeddah.

Booliska magaalada New York oo shaaciyay inay baxsadeen kooxdii qaaday weerarkii Westgate

Booliska magaalada New York ee ah xarunta gacancsiga ee waddanka Maraykanka ayaa shaaciyay inay u badantahay inay baxsadeen afartii nin ee qaaday weerarkii Westgate.

NICHOLAS KAY: “Waxaa socda Qorshayaal lagu Weerarayo Goobaha ay Al-shabaab kaga sugan tahay Soomaaliya”

Madaxa xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu weerarayo deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gudaha dalka Soomaaliya.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS