8 entries

Articles Published on December 9, 2013

Al Shabaab oo la sheegay inay lacago baad ah ka qaataan hay’adaha gar gaarka

Xarakada Al-shabab ayaa la ogaaday in lacago baad ah ay ka qaaden hay,adaha bixiya gar gaarka Bini aadanimo si ay hay,adahaasi gar gaarkooda u gaarsiyaan deganada Al-shabab ay maamulaan tan iyo sanadii 2011-kii oo abaaro xoogan ay ku dhuften gobolada Konfured waa sida lagu sheegay warbixin ay soo saaren laba hay,adood oo qaabilsan Fikirada iyo Raiyada.

Adan Madoobe “Maamulka Jubba in la dhiso dawlada waa lagu qasbay”+DHAGEYSO

Iyadoo dhawaan xubno cusub lagu soo kordhiyey maamulka KMG JUBBA ayaa waxa hadana soo baxaya dad dhaliilsan qaabkii loo soo dhisay maamulkaasi.
Halkaan ka dhageyso

Shariif Xasan "Dadka ku nool Baay iyo Bakool waa inay ka tashadaan inay Maamul sameystaan"

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ugu baaqay dadka ku nool Bay iyo Bakool inay sameystaan maamul goboleed.

Faallo:- Caga la’aanteey ciidu igu aragtay.!!!+DHAGEYSO

Waa Maah maah  malaheyga mar sii fog iyo waayaheeda la isticmaalay, ka dib  markii la arkay xaalad ama sheeko dhacday oo lala mataaneyn karo macna ahaan,maantase si taa la mid ah waa mid u taabaneysa marxaladda aan ku jirno iyo muranada mar kasta soo dhex gala madaxda sar sare ee hogaamineysay  dowladihii  na soo maray mudaddaan  bur burka ah mid hore iyo mid danbaba,maantase ma aheyn dhawaqa muragada leh ee la maqlay mid loo fadhiyay,ama laga sugayay  raga majaraha u haya Dowladaan oo si weyn loogu hanweynaa.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Dhageyso:Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta Xukunno ku ridday Wariyeyaal la eedeeyay iyo Milkiilaha Idaacadda Shabeelle

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku ridday maanta xukunno xabsi ah oo kala duwan wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo ka tirsan idaacadda Shabelle, Faadumo C/qaadir oo ah suxufiyad sheegtay in la kufsaday iyo milkiilaha idaacadda Shabeelle C/maalik Yuusuf.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Daawo sawiradda:Madaxweyne Xasan Oo Safiirada Dalalka Jarmalka iyo Masar Ka Guddoomay Warqadahooda Safiirnimo Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta ka aqbalay warqadaha aqoonsiga Ambassador Andreas Peschke oo noqonayo Safiirka cusub ee u qaabilsan dowladda Jarmalka dalka Soomaaliya, iyo Ambassador Mahmoud M. Auf oo ah Safiirka u fadhin doono dowladda Masar dalka Soomaaliya.

Dr. Jamaal Barrow oo maanta ku qaabilay Muqdisho Wakiilka bariga Afrika ee Wakaaladda iskaashiga caalamiga ee dowladda Japan .

Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Dr. Jamaal Mohamed Barrow ayaa maanta ku qaabilay Magaalada Muqdisho Hideo Eguchioo ah Wakiilka bariga afrika ee Wakaaladda iskaashiga caalamiga ee dowladda Japan (JICA) , oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan dib u dhiska iyo hurumarinta . 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Kulan Ay Dalka Faransiiska Uga Qeybgashay “Sawirro”

Drs Fowsiya Yuusuf Xaaji Aaden R/wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibedda iyo wafdi ay hogaaminayso oo barqanimadii maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aaden Cadde ayaa faahfaahin ka bixisay shir heer caalami ah oo ay kaga soo qeybgashay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, kaasoo diiradda lagu saarayay arrimo ay kamid yihiin nabadgelyada, dhaqaalaha iyo horumarka dalalka Afrika, islamarkaana ay marti gelisay Dowladda Faransiiska.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS