Ciidamadda Amaanka Boosaaso oo Howlgalo ka wada Gudaha Magaaladda
Gudaha Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa Waxaa lagu Arkayaa Ciidamo Badan oo kuwa Amaanka ah kuwaas oo Gaaf wareegaya Wadooyinka iyo Xaafadaha Magaaladda Boosaaso.
isbitaalka weyn ee Boosaaso Ayaa waxaa ku sugan Caawa Ciidamo aad u Tira badan kuwaas oo sugaya amaanka isbitaalka Waxaana jira wali dad shacab ah oo doonaya in ay arkaan dhaawacyada kujira isbitaalka.
Agaagarka Xarunta Dowladda Hoose ilaa isgooysyada Magaalada waxa ku sugan Ciidamo Tiro badan oo dadka Baraya weydinayana halka uu ku socdo.
Howlgalkan amaanka lagu Xaqiijinayo ayaa waxa uu kusoo Beegmaya Xili maanta uu Boosaaso kadhacay qarax Xoogan oo ismidaamin ah kaas oo geeystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxii maanta ayaa Waxaa ku dhintay 9 qof halka dhaawacana uu garayeey 38 qof walow ay dhici karto in khasaaraha dhimashada uu intaas kabadanyahay.
Qaraxii maanta majirto cid ilaa hada sheegatay Masuliyadiisa Bals Madaxda Dowlada Federaalka soomaliya iyo kuwa Maamulka Puntland ayaa Dusha u saaray kooxda Al-shabaab oo Qaraxyadan oo kale Fuliya.
Comments