Dhageyso:Daawo sawiraddaFaahfaahin ku saabsan Qarax Ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Xarunta gobolka Bari ee Boosaaso

Ugu yaraan sideed ruux ayaa ku dhintay, in ka badan 30-kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dhageyso:Daawo sawiraddaFaahfaahin ku saabsan Qarax Ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Xarunta gobolka Bari ee Boosaaso

Weerarka ismiidaaminta ayaa waxaa fuliyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday ruux naftii hure ah, kaasoo beegsaday kolonyo ay la socdeen Ciidamada Badda Puntland.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay meel ku suuqa magaalada oo ah goob aad looga dukaameysto, halkaasoo la sheegay in Ciidamada ay wax ka iibsanayeen.

Gaariga lala eegtay qaraxa oo ahaa kuwa qafilan ee ay isticmaalaan Ciidamada Badda Puntland ee ay tababareen Shirkada SARACEN.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ku jiraan askar ka tirsan Ciidamada Badda oo gaarayay ilaa afar ruux, sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa xiray goobta qaraxa ka dhacay, iyadoo haatan baaritaano ka socdaan qeybo ka mid ah magaalada.

Qaraxan ayaa ku soo aaday, xilli Maamulka Puntland isu diyaarinayo doorashada madaxtinimada oo bisha soo socota ee Janaayo dhici doonta.









Section  Somali
Category   Local News
Tag  boosaaso

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS