Ra'iisul Wasaare Saacid "Go'aan kasta oo Baarlamaanka gaaro anagoo maqan waa mid ku dhisan malo
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa war
saxaafadeed xafiiskiisa ka soo baxay ayaa sheegay in eedeymaha mooshinka
ku xusan ee Xukuumadiisa loo soo jeediyay ay xaq u leedahay inay iska
difaacdo.
"Eedaymaha mooshinka ku xusan ee lagu dhudhuminayo kalsoonida
xukuumadda, ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku salaysan, Waxaa maqan
xog-ogaalnimo rasmi ah"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Saacid.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa isagoo ka duulayay go'aankii Xildhibaanada
Baarlamaanka ku diideen inuu ku hor yimaado ayaa waxaa uu yiri " Si
waafaqsan cadaaladda dabiicigaa (Natural Justice) iyo shuruucda dalkaba -
waxaa xukuumaddu diyaarisay qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso
dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay, oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni
dhisid buuxda".
Mr Saacid ayaa ka codsaday Golaha Baarlamaanka in mar labaad loo
ogolaado lana siiyo fursad lagu dhageysto, si uu isugu difaaco eedeymaha
loo soo jeediyay ee mooshinka ku xusan.
"Xukuumad ahaan waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka
codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga
difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare.
Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in go'aan kasta oo Baarlamaanka gaaro, iyagoo maqan uu yahay mid ku dhisan malo awaal.
"Go'aan kasta oo la gaaro anagoo maqan waa mid ku dhisan malo awaal"ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Ra'iisul Wasaaraha.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa diiday Ra'iisul Wasaaruhu ka soo qeyb
galo fadhiga Baarlamaanka, iyadoo dood arrintaas ka dhalatay kadib
Gudoonka uu cod u qaaday in Ra'iisul Wasaaruhu ka soo qeyb geli karo iyo
in kale, waxaana diiday in aanu ka soo qeyb galay 140 xildhibaan.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku adkeysanayay in aanay
sharci aheyn in Ra'iisul Wasaaruhu uu hor yimaado Baarlamaanka, isla
markaana si Maxkamad oo kale aanu is difaaci karin, iyagoo ku dooday in
Mooshinka yahay mid kalsooni kala noqosho oo aan aheyn kalsooni soo
weydiisasho.
Si kastaba ha ahaatee Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa u muuqda mid waqtiga
ugu dambeeya sii dagaalamaya, isla markaana aanay marnaba cabsi gelin
guuxa ka soo yeeraya Xildhibaanada ka soo horjeeda oo dad badan
aaminsanaayeen inay ku dhalin doonto inuu is casilo, maadaama aqlabiyad
ahaan looga badan yahay Baarlamaanka.
Comments