Daawo Sawirada Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka dooday mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta dood kulul ka yeeshay mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha ee kalsooni kala noqoshada, iyadoo Xildhibaanada ay ahaayeen kuwo aad u kala aragti duwan.

Daawo Sawirada Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka dooday mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha

Ilaa 31-Xildhibaan ayaa maanta hadashay, iyadoo ay dhiman yihiin ilaa 52 xildhibaan, oo ka mid ah 83 xildhibaan oo shalay is qoray, si ay uga doodaan mooshinka, waxaana maalinta berri lagu wadaa in dooda la sii ambaqaado.

Kulanka maanta oo ay ka soo qeyb galeen 247 mudane ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo shir gudoominayay waxaa uu mar walba dalbanayay in Xildhibaanada ay is dejiyaan, isla markaana uga doodaan mooshinka si anshax iyo asluub ku dheehan tahay.

Fadhiga Baarlamaanka oo mararka qaar uu buuq galayay ayaa Xildhibaanada taageersan Ra'iisul Wasaaraha ay ku doodayeen in mooshinka sharci daro yahay, iyagoo tallaabo aad u xun ku sifeeyay in Ra'iisul Wasaaraha loo diido iuu hor yimaado Baarlamaanka si uu isu difaaco.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo horjeeda Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku eedeeyay Xukuumada in aanay waxba qaban, isla markaana ay muhiim tahay in Baarlamaanka uu eryo.

Maalinta berri ayaa la filayaa in la sii ambaqaado dooda, waxaana suura gal ah in Xildhibaanada Baarlamaanka ay codka kalsoonida u qaadaan Ra'iisul Wasaaraha oo xaalada ku xun tahay.














Section  Somali
Category   Local News
Tag  barlamaanka

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS