192 entries

Articles Published in December, 2013

Dhageyso Warka Axadnimo ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho..
Halkaan ka dhageyso warka sagalradio

Daawo Sawirada Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka dooday mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta dood kulul ka yeeshay mooshinka ka dhanka ah Ra'iisul Wasaaraha ee kalsooni kala noqoshada, iyadoo Xildhibaanada ay ahaayeen kuwo aad u kala aragti duwan.

Ra'iisul Wasaare Saacid "Go'aan kasta oo Baarlamaanka gaaro anagoo maqan waa mid ku dhisan malo

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa war saxaafadeed xafiiskiisa ka soo baxay ayaa sheegay in eedeymaha mooshinka ku xusan ee Xukuumadiisa loo soo jeediyay ay xaq u leedahay inay iska difaacdo.

Ethiopia oo aqbashay Codsi kaga yimid QM

Dowlada Ethioipa ayaa shaacisay in ay Oggolaatay Codsi uga yimid Golaha Ammaanka QM oo ku aadanaa ka qeybgalka Howlgalada AMISOM ee Somalia. Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa saxaafada u sheegay in diyaar ay la yihiin ciidamo ka qeybqaata Howlgalada AMISOM  ee Somalia kuwaasoo dowr ku yeelan doona dagaalada ka dhanka ah Alshabaab.

Maamulka Somaliland oo Jawaab kulul siiyay Dowlada Somalia

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedo uu Somaliland u soo jeediyay Dhigiisa Somalia. waxa uu ku adkeystay in aanay dalka Somaliland soo cago dhigan karin dad aan sharci heysan, waxaanu sidoo kale beeniyay warar sheegaya in Baasaboorka Somalia si foojari ah loogu sameeyo Somaliland.

barlamanka oo cod fara badan ku riday xukuumadii saacid

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kalsoonida kala noqday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Saacid, kadib saddex maalmood oo uu Baarlamaanka dood kulul ka lahaa mooshin laga keenay Xukuumada uu hogaamiyo.

Ra'iisul Wasaare Saacid oo sheegay in kooxo Wasiiro oo dano gaar ah wadata ay qatar ku hayaan dalka

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa shir jaraa'id uu goor dhow xafiiskiisa ugu qabtay Warbaahinta kaga hadlay arrimo badan oo ka mid ah mooshinka laga geeyay iyo khilaafka isaga iyo Madaxweynaha.

Turjubaan u shaqeynayay Ciidamada AMISOM oo lagu dilay Xaafadda Suuqa Xoolaha iyo Kooxihii dilka u geystay oo la dilay

 Turjubaan u shaqeynayay Ciidamada AMISOM ayay kooxo hubeysan ku dileen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa iyadoo kooxihii hubeysnaa ee dilkaas geystay iyagana la toogtay.

NICHOLAS KAY OO KU BAAQAY IN SI DEGDEG AH LOO MAGACAABO RA’IISAL WASAARE CUSUB

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta ammaan u soo jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee jagada ka degaya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, wuxuuna tilmaamay kaalinta mas’uulnimada leh ee Baarlamaanka Federaalka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ay u maareeyeen mooshinka “kalsooni ka qaadidda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Soo Dhaweeyay Go,aankii uu Baarlamaanka Codka Kalsoonida Kala Laabtay Xukuumadda Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud aya asoo dhaweeyay go,aankii uu baarlamaanka soomalaiya codka  kalsoonida uu kala laabtay xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS